Ra’iisul Wasaaraha oo qaabilay madaxda Bangi Caalami ah oo dalka xarun ka furtay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta kulan la qaatay Madaxda Bangiga Zirat Katilim ee laga leeyahay dalka Turkiga.

Bangigan ayaa dhawaan xarun cusub ka hirgeliyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Intii uu socday kulanka ayaa Ra’iisul Wasaare Barre waxa uu uga mahadceliyay madaxda Bankiga Zirat Katilim dadaalka ay ku bixiyeen hirgelinta xaruntan cusub ee Soomaaliya.

Waxa uu ku nuux-nuuxsaday in hindisahani uu kobcinayo iskaashiga ganacsiga, kobcinta dhaqaalaha, iyo xoojinta xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya labada dal oo walaaltinimo qoto dheer ka dhexeeya.

Ra’iisul Wasaare Barre oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa ku dheeraaday fursadaha ganacsi ee baaxadda leh ee ka jira Soomaaliya, kuwaasi oo sugaya in laga faa’ideysto.

Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxa Bankiga Zirat Katilim ayaa waxaa goob joog ka ahaa Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ibraahim M. Yagli, isagoo hoosta ka xariiqay muhiimadda ay leedahay Munaasabadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM