Ra'iisul Wasaare Xamse oo magacaabay xubno ku biiraya xukuumadiisa

Image
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xubnahan wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa magacaabay xubno wasiirro ah, sidda ku cad wareegto kasoo baxdey xafiiskiisa.

Cabdikariim Cabdow Xaydar, wasiiru-dowlaha wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada, halka Axmed Jaamac Cumar, wasiir ku-xigeenka wasaaradda gaadiidka iyo duulista Hawada.

HOOS KA AKHRISO WAREEGTADDA

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa magacaabay xubno wasiirro ah.

Ra’iisul Wasaaruhu markuu arkay:

Qodobka 97aad faqradiisa 3aad e Dastuurka KMG.

Qodobka 98aad faqradiisa 2aad Xar. A&B ee Dastuurka KMG.

Qodobka 100aad Xarfaha A, B iyo C ee Dastuurka KMG.

Howlaha baaxadda leh ee horyaala Xukuumadda JFS.

Markuu tixgeliyay:

Talada Madaxweynaha JFS

Markuu garowsaday:

Baahida loo qabo magacaabidda Xubnahan Golaha Wasiirrada JFS, wuxuu magacaabay:

1) Mudane Cabdikariim Cabdow Xaydar – Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada
2) Mudane Axmed Jaamac Cumar – Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kula dardaarmay in xilkooda u gutaan si waafaqsan Dastuurka, ummadda Soomaaliyeedna ugu adeegaan si ay ku dheehan tahay Alle ka cabsi iyo masuuliyad. Mudane Xamse ayaa u rajeeyay in Eebbe uu ku asturo masuuliyadda culus ee loo igmaday.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM