Ra'isulwasaare ku xigeenka oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameysay xaalada El-Niño

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'isulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jaamac oo maanta booqasho ku tagay Xarunta Dhexe ee Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka ku dhawaaqay xaalad degdeg ah oo loogu gurmanayo dadka Soomaaliyeed ee dhibaatadu kasoo gaartay fatahaadaha iyo daadadka xaalada El-Niño.

Ra'isulwasaare ku xigeenka ayaa yiri: “Waxaan bulshada Soomaaliyeed la wadaagaa saamaynta ka dhalatay fatahaado iyo roobab xoogga leh ee ka da’ay gobollada dalka, xog aan hayno dhimashu ku dhawaad waa 10 qof”.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dowladu ay muddo ku jirtay abaabul iyo sidii wax loo gaarsiin lahaa dadka tabaalaysan ee dhibaatadu gaartay.

Wuxuuna ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan ganacsatada inay taageeraan bulshadu dhibku gaaray ee ku nool Gobalada xaalada deg dega ah ay ka taagan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM