Ra'iisal wasaare Kheyre oo la kulmay Keating

Image

MUQDUSHU, Somalia - Ra'iisal wasaaraha dowladda Federaalka Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ergayga QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating.

Kheyre iyo Keating ayaa shirkooda uga hadlay abaaraha, Gurmadka shacabka, amniga, la dagaalanka musuq-maasuqa iyo Daah-furnaanta xukuumada cusub ee dalka.

Michael Keating ayaa u xaqiijiyay Xasan Cali Kheyre in beesha caalamka iyo QM ay taageero ka siinayaan dowladda sidii ay uga gudbi lahayd caqabadaha hor yaalla.

"Maadama la dhisay Gollaha wasiirrada, waa in dowladda cusub ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ka jira guud ahaan dalka Somalia, oo abaaraha, amniga iyo musuq-maasuqa kamid yihiin," ayuu yiri Keating.

RW Kheyre ayaa uga mahadecliyay Keating taageerada uu u muujiyay, isagoo xusay in gollaha wasiirada cusub ay la imaan doonaan waxqabad iyo hufnaan, si looga dhabeeyo himilada Shacabka Soomaaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM