Khayre oo socdaal aan lasii shaacin ku tegay dalka Qadar

Image
Image
Image

DOOXA, Qadar - Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaaladda Dooxa ee xarunta dalka Qatar.

Khayre iyo wafdigiisa ayaa mas’uuliyiinta dowladda Qatar la yeelanaya kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha.

Xafiiska wasiirka koowaad ee xukuumadda Muqdisho ma uusan fahfaahin ujeedada dhabta ah ee ka dambeysa socdaalka ra'iisul wasaaraha oo aan horey loo shaacin.

Xukuumadda Dooxa ayaa cilaaqaad wanaagsan la leh dowladda haatan ka jirta Soomaaliya oo sheegtay in ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka Khaliijka.

Madaxweyne Farmaajo oo Nairobi kula kulmay qaar kamida Soomaalida ayaa dhowaan sheegay in dowladiisu "dhibaato xoogan kala kulantay xifaaltanka wadamada Carbeed".

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kasoo laabtay safar shaqo oo uu kusoo maray Faransiiska iyo Belgium, halkaas oo ka qayb galka madasha nabadda Paris.

Brussels ayuu kulamo kala duwan kula soo qaatay qaar kamid ah madaxda Midawga Yurub iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday dowladaha Caalamka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Baydhabo oo gashay hubanti la'aan ka dib markii taliyeyaal sare lagu dilay duleedka magaalada

Arrimahan hubeysan ayaa kusoo beegmaya xilli uu cirka isku sii duubayo khilaafka ka dhashay doorashadii Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 01:16PM

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM