Khayre oo magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaada

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa magacaabay guddiga gurmadka fatahaadaha oo ka shaqeynaya dadaallada gurmadka ee wax looga qabanayo saameynta fatahaaduhu ku yeesheen dadka iyo deegaanka.

Wasiirka Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Xamsa Saciid Xamsa, ayaa guddoominaya guddiga oo ay xubna ka yihiin wasiirrada caafimaadka, amniga gudaha, korontada iyo biyaha, beeraha, waxbarashada, qorsheynta, warfaafinta iyo wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha.

Khayre ayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed iyo hey’adaha gargaarka ka codsaday in ay ka qayb qaataan dadaallada gurmadka fatahaadaha ka dhashay roobabka ka da’ay goballada dalka iyo wabiyada.

Isaga oo ay hareere taagan yihiin madaxweyneyaasha HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Khayre ayaa waxa uu ugu baaqay dhammaan hey'adaha dowladda in ay la shaqeeyaan guddiga.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa caddeeyay in dowladda ay waddo qorshe looga gaashaamanayo fatahaadaha iyo biyo la'aanta soo laalaabata oo labaduba dhibaata badan ku haya dadka iyo dhulka Soomaaliyeed.

Daadadka oo ka dhashay markii ay qararka jabsadeen Webiyadda Shabelle iyo Jubba ayaa saameeyay dalaga beeraha. Si lamid ah waxay barakiciyeen dadweynaha.

Fahaatadaha ayaa yimid maalmo kahor markii Hay'adda FOA ee Qaramadda Midoobay ay ka digtay, waxaana xukuumadda iyo maamulada qaar lagu eedeeyay in ay k agaabiyeen wargelinta shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiyeyaasha Gobolka oo Kampala uga Shiraya Mustaqbalka Hawlgalka AUSSOM iyo Amniga Soomaaliya

Sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga Uganda, ajandaha shirka waxaa ka mid ah qiimeynta horumarka laga sameeyay xasilinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 07:10PM

Wafdi ka socda Kongareeska iyo Militariga Mareykanka oo gaaray Kismaayo ka hor shirka Uganda

Wafdiga ayaa la filayaa in natiijada wadatashiyadan ay qayb ka noqoto diyaar-garowga shirka Uganda.

  • Soomaliya

    29-07-2026

  • 08:06AM