​Ra'iisul Wasaare Kheyre oo helay Kalsnoonida Barlamanka Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay Ra'iisul wasaare cusub ee dhawaan la magacaabay Xasan Cali Kheyre.

23-kii February ayaa Madaxweyne Maxa'ed Cabdullaahi Farmaajo u xushay wasiirka Koowaad ee Xukuumadda lasoo dhisi doono.

Xildhibaano gaaraya 231 mudane, oo maanta soo xaadiray Kalfadhiga 1-aad ee Baarlamaanka oo uu furay Madaxweyne Farmaajo ayaa siiyay codka kalsoonida. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka jeediyay Golaha shacabka Khudbad xasaasi ah oo uu uga warbiyay xaaladda dalka, isagoo ka codsaday Xildhibaanada inay la shaqeeyaan xukuumadda lasoo dhisayo. 

Xasan Cali Kheyre, oo ah Mas'uul haysta dhalashada dalka Norway, kana soo shaqeeyay NRC iyo Soma Oil and Gas ayaa ah shaqsi ku cusub saaxadda siyaasada, waxaana laga sugayaa inuu soo magacaabo xukuumad cusub. 

Ninkan ayaa Madaxweynuhu sheegay inuu yahay shakhsi kasoo bixi kara xilka loo dhiibay islamarkaana Ku sifeeyay ruux la jaanqaadi kara ajandayaasha Madaxweynuhu wato.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM