Ra’isal wasaaraha Somalia oo booqday Garas Baaleey

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra'isal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa kormeer ku tagay deegaanka Garas Baaleey oo dhaca duleedka Muqdishu, halkaasoo ay ku nool yihiin qaar ka mid ah dadkii ka soo barakacay gobollada dalka ee ay abaaruhu saameeyeen.

Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa tilmaamay sida loogu baahan yahay in mar walba la garab istaago dadka dhiban ee abaartu ku dhacday, wuxuuna tilmaamay in Xukuumadda ay gacan siin doonto, isla markaana looga baahan yahay shacabka iyo guud ahaan cid walba oo awooda in la caawiyo dadkan dhiban.

“Maanta waxaan halkan u nimid in dareenkeena aan la wadaagno walaalaheena soo barakacay ee dhulkii ay daganaayeen ku dhufatay abaartu, waxaan ku jirnaa xili adag oo u baahanahay dhammaanteen in gurmadka aan ka qeyb qaadano haddii ay tahay Xukuumadda iyo golleyaasha kale ee Baarlamaanka. Waxaa ilaa iyo maalintii aan dirnay baaqa na soo gaaray gurmad fara badan, laakiin waxaan xaqiijinayaa gurmadka na soo gaaray iyo dhibaatada jirta in ay aad u kala badan yihiin,” Ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyey goobaha ay ku noolyihiin dadka barakacayaasha ah iyo meela cuntada loogu kariyo, wuxuuna uga mahadceliyey Maamulka Gobolka Banaadir kaalinta ay ka qaadanayaan taakuleynta shacabka dhiban.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa dhankiisa sheegay in dhowr goobood oo kala duwan loo diyaariyey dadka  kasoo barakacay isla markaana Maamulku uu diyaar u yahay kaalinta uga aadan gurmadka walaalaha Soomaaliyeed.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM