Ra’isal wasaare ku-xigeenkaTurkiga oo Muqdishu yimid [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Waxaa maanta magaalada Muqdishu soo gaarey wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul wasaare ku xigeenka dowladda Turkiga  Veysi Kaynak.

Veysi Kaynak waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay dhigiisa dalka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed, iyo mas'uuliyiin kale oo katirsan dowladda Federaalka.

Isagoo la hadlayay Warbaahinta, Veysi ayaa sheegay in dowladda Turkiga iyo shacabkeeda ay gurmad bini'aadanimo oo deg deg ah soo gaarsiin doonaan Somalia, si loo badbaadiyo dadka ay saamaysay abaarta.

Ra'isal wasaare ku-xigeenka ayaa dhanka kale qalab dhismo iyo gaadiid gaaraya 52 gudoonsiiyay Gudoomiyaha maamulka gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), si dib loogu dhiso Muqdishu.

Madaxda sare ee dowladda gaar ahaan Ra'isal wasaaraha iyo Guddoomiyaha Barlamanka ayuu kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada iyagoo kawada hadlay xaaladda waddanku ku jiro.

Wararka GO uu helayo ayaa sheegaya in booqashada mas'uulkan ay hordhac u tahay Booqashada la filayo inuu 10-ka Bishan ku yimaado Muqdishu Madaxweyne Erdogan, oo xariga ka jari doono saldhig military.

GAROWEONLINE


Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM