Rooble: Heshiis ayaan nahay aniga iyo madaxweynaha

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa ganafka ku dhuftay wararka sheegaya in uu khilaaf kala dhaxeeyo Farmaajo. [Photo: OPMSomalia]

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble oo kasom muuqdey kulan uu Soomaali kula yeeshay caasimada Kenya ee Nairobi ayaa ganafka ku dhuftay wararka sheegaya in uu khilaaf kala dhaxeeyo madaxweynaha waqtiga ka dhamaadey Farmaajo.

Wasiirka koowaad oo Kenya ku jooga booqasho rasmi ah kadi casuumaad uu ka helay madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku adkeystay in uusan jirin wax madmadow ah oo kala dhaxeeya Farmaajo “kaasoo aniga iyo isaga uu ina saaran yahay waajibka xasiloonida dalka”.

“Doqoni halkii lagu dagaalay ayey ogeed ee meesha lagu heshiiyey ma oga, hadii aan lagu heshiin hoggaaminta dalku qar ayuu ka sii dhacayaa, sidaas darteed heshiis ayaan nahay aniga iyo madaxweynaha, waxa nasaaray waajib ah in dalka aan gaarsiino doorasho u dhacda si xasilooni ku jirto,” ayuu yiri.

Wuxuu hadalkiisa ku daray: “Wax khilaaf ah ma jiro, aniga iyo madaxweynaha warqadaheena waad aragteen, cid aan ataagay ama aan is khilaafsanahay ma jirto”.

Hase ahaatee, Rooble ma uusan soo qaadin wareegtadii kasoo baxdey Farmaajo taasoo ka mamnuuceysay hay’addaha dowladda federaalka ah in aysan wax heshiis ah geli karin xilligan kala guurka ah taasoo xukuumadda xilgaarsiinta ay si adag ganafka ugu dhufatay.

Rooble oo meesha ka saarey in socdaalkiisa Kenya uu salka ku hayo soo celinta cilaaqaadka diblumaasiyadeed ee labadda dal oo maamulka Farmaajo uu xumeeyay ayaa meesha ka saarey in uu Nairobi u tagay si uu qalinka ugu duugay heshiis khuseeya ganacsiga iyo badda.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiisyada Rooble iyo Uhuru kadib kulan ay shaley ku yeesheen Mombasa wax lagu caddeeyay in ay isla qaateen wanaajinta cilaaqaadka labadda wadan gaar haan dhinacyadda ganacsiga, isu-socodka dadweynaha iyo diblumaasiyadda.

Garowe Online ayaa horey baahiyey in xiriirka Rooble uu hoos-u-dhac ku yimid. Arrimaha ay isku hayaanna waxaa qeyb ka ah bedelida taliyaha hay’ada sirdoonka qaranka, Fahad Yaasiin Daahir, iyo in uusan doorashada u maajulin qaabkii Villa Soomaaliya ay dooneysay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM