Rooble oo Beesha Caalamka u sharaxay shirka uu iclaamiyey

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa qaab fogaan arag ah wuxuu kula shiray diblumaasiyinta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay Aaladda Fogaan Aragga maanta la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka.

Shirkan ayaa waxaa ka wada hadley xaaladda dalka, dardar-galinta doorashooyinka iyo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Rooble ayaa u xaqiijiyay Wakiilada Beesha Caalamka in shirka furmaya ay diiradda ku saari doonaan ilaalinta hufnaanta doorashada iyo sixitaanka, ku dhaqanka habraacyada doorashada iyo soo saaridda jadwal ay ku caddahay waqtiga ay soo gabagaboobeyso doorashada .

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaalka Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira sidii doorashada u noqon lahayd mid daahfuran oo lagu kalsoonaan karo.

Wakiilladu waxay si gaar ah u soo dhoweeyeen kulammada wadatashiga ah ee Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayidka ah iyo Beesha Caalamka si uu u dhageysto talooyinkooda ku aaddan hagaajinta  hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada.

Is-araggan ayaa kusoo aadaya xilli khilaaf cusub uu ka dhex-qarxay Rooble iyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaadey Farmaajo kaasoo ku sifeeyay "mid gabay waajibaadkiisa".

Is-qabqabsigan ayaa waxaa laga cabsi qabaa in uu dalka geliyo jahwareer cusub iyo hubanti la'aan kale oo baahsan taasoo khatar ku ah xasiloonida siyaasadeed, amniga iyo doorashadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM