Rooble oo eryay Saraakiil doorasho oo ku milmay siyaasadda

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Rooble ayaa qaadey tallaabo uu Axmed Maclin Fiqi ku tilmaamay qandho-jebin, taasoo uu ku eryay xubno katirsan Gudiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka dalka.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Maanta ayaa lagu xaqiijiya in laga saarey Gudiga todobo xubin, oo lumiyeen madaxbanaanidii guddinimo, iyagoo ku milmay siyaasadda isla-markaana ay baal mareen xeer anshaxa doorashada.

Tani waxay ka dambeysay kulankii xalay ay yeesheen Rooble, Madaxda dowlad Goboleedyada iyo qaar kamid ah Musharixiinta mucaaradka, kaasoo u dhacay qaabka fogaan-araga ee Zoom.

Lama oga inay Midowga Musharixiinta ku qancin doonaan tallaabo uu qaadey Rooble, maadaama horey u dalbadeen in gebi ahaan la kala diro Gudiga Xalinta Khilaafaadka doorashooyinka.

Xasan Sheekh ayaa ku micneeyay shirkii xalay tallaabo loo qaadey dhanka wanaagsan, islamarkaana ay rajeynayaan in shir fool-ka-fool ah ka yeeshaan sidii lagu sixi lahaa hanaanka doorashadda dalka, oo hareeyay musuq-maasuq.

Madaxweynihii hore ayaa sheegay in mowqifkooda aan waxba iska bedelin, illaa jidka toosan loogu soo celiyo doorashadda, oo Rooble ka fulinayo dalabkooda ah inay noqoto codbixinta mid hufan, oo tartanka loo siman yahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo warka soo saartay Xaaladda Soomaaliya

Goluhu wuxuu ansixiyey Siyaasadda daboolida kharashaadka Adeegyada Caafimaadka - oo Golaha ay usoo gudbisay Wasaraadda Caafimaadka.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 11:58AM

Villa Somalia oo go'aan ka gaartay qofka noqonaya Madaxweynaha xiga ee Koonfur Galbeed

Heshiiskan cusub ayaa loo arkaa mid si weyn u beddeli doona jihada siyaasadeed iyo nabadgelyo ee Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    16-04-2026

  • 05:04AM