Rooble oo korka looga tuuray boobka doorashooyinka

Image
Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta ayaa lagu eedeeyay in uu ka gaabiyey mas'uuliyadiisa xaqiijinta daahfurnaanta.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaadanaya eeda ugu badan ee boobka doorashooyinka, sida uu sheegay Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

Madaxweynihii hroe ee Puntland iyo ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo u waramay Universal Tv ayaa daaha ka rogay in Rooble ka gaabiyey mas'uuliyadiisa ahayd xaqiijinta daahfurnaanta.

Sida laga soo xigtey Gaas, wasiirka koowaad ee xukuumadda federaalka ayaa sidoo kale wuxuu "si ola kac ah" isaga indhatiray in uu ilaaliyo kalsoonida ay siiyeen shacabka iyo saamileyda.

"Haddii uu la shiray midowga musharaxiinta waxaan rajeynaynaa in uu doorashada wadda saxda ah kusoo celiyo. Dedaal iyo daacadnimo uu u muujiyo. Taariikhda dambe ee dalka uu u turo," ayuu yiri.

Shalay ayay ahayd markii ay Muqdisho ku shireen Rooble iyo musharaxiinta. Fahfaahinta laga helayo kulankooda waxay muujinaysaa in ay isku-raaceen qabashadda kulan-wayne ballaaran.

Xogta ayaa intaas ku daraysa in kulanka uu noqon doono mid ay kawada qaybgalaan musharaxiinta, madaxda maamuladda iyo waliba hogaanka dowladda federaalka ah gaar ahaan Rooble.

Rooble ayaa lagu waddaa in uu iclaamiyo shirkaas. Lama ogga qaabka ay ku ogolaan doonan madaxda maamulada kuwaasoo qaarkood ay haatan sii bilaabeen xulista mudaneyaasha Golaha Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Fariin loo direy Baarlamaanka oo sheegaysa kulan Sabtida ah – Buuqa oo sii xoogeysanaya

Fadhigii ugu dambeeyey ee Golaha ayaa suurtagal noqon waayey kadib markii…

  • Soomaliya

    02-05-2025

  • 11:56AM

Shirka Gollaha Wadatashiga Qaranka (NCC) oo dib loo dhigey

Kala qaybsanaanta siyaasadeed ee sii kordhaysa ayaa weli caqabad ku ah hannaanka nabadda iyo dib-u-heshiisiinta Soomaaliya.

  • Soomaliya

    01-05-2025

  • 11:18AM