Rooble oo ku gacan-sayray "shaqo ka joojinta" Farmaajo

Image
Madaxweymaha waqtigu ka dhamaadey ayuu la xiriiriyey isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska ra’iisul Wasaaraha.

MUQDISHO, Soomaaliya - Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa ku gacan-sayrtey shaqo ka joojinta madaxweynaha waqtigu ka dhamadey sheegay in uu ku sameeyay Maxamed Xuseen Rooble.

Laanta fulinta ayaa ku eedeysay Villa Soomaaliya isku day ay kula wareegeyso xafiiska wasiirka koowaad "mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo".

"Warka ka soo baxay madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee khuseeya shaqada Ra’iisul Wasaaraha iyo isku daygiisa in uu ciidan kula wareego xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, waa tallaabooyin baal marsan dastuurka iyo sharciyada dalka, mas’uuliyadda wixii ka dhashana waxaa qaadaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo," ayay tiri.

Qoraalka ayaa waxaa la raaciyey: "Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidii caadiga ahayd u wataa shaqo maalmeedkiisii, waxaana ka go’an in uusan cidna uga heybeysan gudashada waajibaadkiisa Qaran, si uu dalka u gaarsiiyo doorasho horseedda in awoodda lagula kala wareego si nabad ah".

Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ra'iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda xilgaarsiinta, ayaa qoraal uu ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ku caddeeyay mowqifkiisa.

"Waxa aan ahay “Tabliiqi Nabadeed”. Waxaa aan labada oday ugu baaqayaa in ay dalka caymadiyaan," ayuu ka dhawaajiyey. Hadalkiisa wuxuu imaanaya xilli ay jiraan warar la xiriirinaya khilaafka.

Khadar oo haatan huwan Xildhibaanimo ay hareysay eedeymo musuqmaasuq iyo awood sheegasho ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay kamid ahaa saaxiibadda aadka ugu dhow taliska Farmaajo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf xooggan oo ka dhex qarxay Xisbiga Xasan Sheekh

Dhaawaca ugu weyn ee soo gaaray xisbiga ayaa loo arkaa go’aanka uu qaatay xoghayihii xisbiga, Cabdiraaxmaan Odowaa.

  • Soomaliya

    23-03-2026

  • 09:27AM

Dowladda Federaalka oo Shaacisay inuu Idlaaday Muddo-xileedka Hoggaanka Koonfur Galbeed

Ilaa hadda, madaxtooyada Koonfur Galbeed kama soo bixin jawaab rasmi ah oo ku saabsan shaacinta firaaqda xafiiska.

  • Soomaliya

    22-03-2026

  • 09:36PM