Rooble oo u socdaalaya Kismaayo iyo Nairobi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul wasaaraha xilgaarsiinta Rooble ayaa qorsheyanaya in maalmaha soo aadan uu u socdaalo xarunta ku meelgaarka Jubaland ee Kismaayo, sida uu fahansan yahay warsidaha Garowe Online.

Inta uu ku sugan yahay magaaladan dekadaha leh, Rooble ayaa, sida ay wararku xusayaan, wuxuu wadaxaajoodyo la yeelanayaan madaxda maamulkan xubinta ka ah dowladda federaalka Soomaaliya.

Wadahadalada ayaa la filayaa in diirada lagu saaro arrimo ay kamid yihiin dedaalada dib-u-heshiisiinta gobolka Gedo oo Rooble uu guddi heer wasiiro ah u magacaabay sidii ay u daadihin lahaayeen.

"Booqashada Rooble ee Kismaayo waxay ahayd qorshe yaalay kahor kulankii dhowaan Muqdisho ku dhexmaray madaxda dowladda federaalka iyo maamulada. Hase ahaatee, isbedelka kaliya ee haatan jira wuxuu yahay in uu kusoo beegmay iyadda oo la magacaabay guddigii dib-u-heshiisiinta Garbahaarey," ayuu yiri mid kamid ah xubnaha u waramay GO.

Sida ay xaqiijiyeen illo si dhow ula socda qorshaha diyaarinta safarka, Rooble ayaa kadib socdaalka Kismaayo wuxuu u dhoofi doonaa magaala madaxda Kenya ee Nairobi oo uu ka helay martiqaad rasmi ah.

"Socdaalka wasiirka koowaad ee Soomaaliya ee Nairobi qudhiisu horey uu u qorsheysanaa. Hase ahaatee, waxaa dib-u-dhaca ku keenay xiriirka labada dal ee xumaa. Casuumaada wuxuu Rooble helay markii ay Uhuru Kenyatta (madaxweynaha Kenya) ay kuwada kulmeen caleema-saarkii Ismaaciil Geelle (madaxweynaha Jabuuti)," ayuu yiri illo wareed.

Iyadda oo si dhab ah loo xaqiijin karin waqtiga rasmiga ah ee labada safar oo illaha uga gaabsadeen "arrimo ammaan darteeda," haddana waxaa soo dedejiyey isbedelada siyaasadeed iyo diblumaasi ee dhawaan dhacay.

Bishii hore ee June 10-keeda, sanadkan 2021 ayay ahayd markii Geelle loo caleema-saarey jagada madaxweynaha Jabuuti. Tani waxay ka dambeysay isaga oo markii 5aad loo doortey madaxweynaha Jamhuuriyaddaas.

Soomaaliya ayaa ku dhawaaqdey in safaaradeeda Muqdisho ay dib-u-howlgelineyso 5-ta July, xagaagan 2021. Talaabadan waxay timid kadib markii Muqdisho iyo Nairobi ay ku heshiiyeen in meesha ka saaraan madmadowga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM