Roobow oo rajaynaya inuu soo galo Siyaasadda [XOG]

Image

MUQDISHO, Somaaliya - Mukhtaar Roobow Cali Abu Mansuur, Afhayeenkii hore ee Al shabaab, oo isku soo dhiibay dowladda bishii August, ayaa qorsheynaya inuu kusoo biiro Saaxadda Siyaasadda dalka.

Ilo-wareedyo ku dhaw Mukhtar Roobow, ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in Abu Mansur uu ku jiro damac Siyaasadeed, isagoo doonaya inuu noqdo Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Qaar ka tirsan tageerayashiisa reer Koonfur Galbeed, ayaa u arka in Roobow xal ka keeni karo dagaalka Al shabaab, iyo dhibaatooyinka kale ee ka taagan deegaanada maamulkaasi, oo intooda badan ku jira go’doomin.

Roobow oo ku sugan Muqdisho, ayaa wadahadallo la leh Madaxda dowladda Federaalka iyo qaar katirsan Diblimaasiyiinta Beesha caalamka, isagoo kala hadlaya halka uu sal dhigan doono iyo masiirkiisa.

Mukhtaar Roobow ayaa wararku sheegayaan in markii hore wadamada beesha caalamka gaar ahaan dowlada Mareykanka ka codsadey in loo hubooye Jabhad uu kula diriro ururka Al Shabaab.

Warar Warsidaha Garowe Online ka heley Ilo ku dhow Roobow ayaa sheegaya in codsiga Jabhad sameynta ay diideen dowladaha Beesha caalamka, iyagoo u sheegey in Somaaliya waqtigaan uu yahay Federaal ka kooban maamulo sidaa darteed ay u furan tahay inuu qayb ka noqdo Siyaasada gobolka.

Lama oga Mowqifka dowlada Federaalka Somaaliya, ee ku aadan rabitaanka Mukhtaar Roobow, balse warar ayaa sheegaya inuu balanqaad ka haysto Saraakiil ka tirsan Xafiisyada sare ee dowlada Dhexe.

Balanqaadyada loo sameeyay Roobow ayaan wali la ogeyn, laakiin waxay u badan tahay sida aan wararka ku helayno inuu qabto xil sare, oo loo badinayo inuu yahay Madaxtinimada Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, Warar ayaa sheegaya in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Shariif Xasan uu horey warqad ugu qoray Saafaradaha Beesha Caalamka, taasi oo kaga codsaday in Roobow loo raadiyo magangelyo dibadda ah.

Shariif Xasan, ayaa aad uga walaacsan damaca Siyasadeed ee soo galay Roobow, xilli ay jiraan Mooshino isaga ka dhan ah, kuwasoo ay wadaan qaar ka tirsan xildhibaanada Barlamanka Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Muqdisho oo laga dejiyay qalab milatari oo ka yimid Israa'iil

Sida ay sheegayaan isla ilo wareedyadaas, shixnadda waxaa lagu wareejiyay xafiis Qaramada Midoobay ku leeyahay Muqdisho.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 01:49PM

Mareykanka oo ballanqaaday inuu Soomaaliya ka taageerayo dagaalka argagixisada iyo musuq-maasuqa

Mareykanku wuxuu garab taagan yahay shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan argagixisada, musuq-maasuqa.

  • Soomaliya

    02-07-2026

  • 11:58AM