Ruushka oo sababeeyay in uu ka aamusay qaraar liddi ku ah DFS

Image

MOSCOW, Russia – Dowladda Ruushka ayaa sharaxaad dheeraad ah waxay ka bixisay sababta ay uga gaabsatay qaraar liddi ku ah waddanka Soomaaliya.

Qaraarkaas oo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay u coddeeyay ayaa waxaa soo diyaarisay Boqortooyadda Ingiriiska.

Iyadda oo uu taageero badan helay, qaraarka ayaa wuxuu cusbooneysiinayaa xayiraadda hubka iyo ka ganacsiga dhuxusha ee Soomaaliya.

Ruushka, Shiinaha iyo Equatorial Guinea ayaa ahaa dalalka xubinta ka ah golaha ee ka aamusay qaraarka. Wadar ahaan tiradda golaha waa 15.

UK ayaa ku doodeysay in Al-Shabaab ay wali khatar ku ah amniga gobolka isla markaana ay inta badan adeegsato walxo qarxa.

Kordhinta xayiraadda oo dhamaaneysa 15-ka November ee sanadka 2020-ka ayaa kusoo aadeysa markii UN-ka shaaciyey in Shabaab sameysato qaraxyadda.

Hase ahaatee, Dmitry Polyansky, ku xigeenka ergayga Ruushka ee Jamciyadda Qurumaha Ka Dhaxeysa, ayaa coksaday "arrin loo qaateen ah".

"Qaraarka wuxuu culeys tan weyn saarayaa qaababka loo marayo mawduucyadda la xiriira arrimaha bini'aadanimadda," ayuu u sheegay golaha.

Ruushka ayaa taageero weyn wuxuu u muujiyey cunaqabateyntii hubka ee laga qaadey Eritrea oo liiska kula jirtay Soomaaliya.

Abuukar Baale, danjiraha Soomaaliya ee UN-ka, oo ka falceliyey waqti kordhinta, ayaa dalalka taageeray xayiraadda ku qeexay "kuwa gaboobay oo daciif ah".

Xukuumaddaha Moscow iyo Beijing ayaa xulafo dhow waxay la yihiin dowladda Farmaajo oo mudada xileedkeeda kaga harsan yahay sanad iyo bilooyin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Milanka Al-Shabaab ee Ciidanka Qaranka oo Walaac Dhalinaya Kadib Dilalka Taliyeyaal Sare

Khabiirada amniga ayaa si isa soo taraysa uga digaya in Al-Shabaab ay si qoto dheer ugu milantay Ciidanka Qaranka.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 04:26PM

Axmed Madoobe oo Nairobi kula kulmaya Saraakiil ka socota Itoobiya iyo Kenya

Madaxweynaha Jubbaland ayaa booqashadiisa sidoo kale ku saabsan sidii uu ugu raadin lahaa taageero dheeraad ah oo caalami ah.

  • Soomaliya

    18-05-2025

  • 12:27PM