Ruuxaan: Guutada laga yagleelay xubno kasoo goostay Al-Shabaab

Image
Image
Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Soomaaliya, in ka badan tobban sano, waxay xusul-duub ugu jirtaa sidii ay u ciribtiri lahayd argagixisada, iyadoo kaashaneysa saaxiibbo caalami ah, loona marayo xeelado kala duwan.

Jubaland, maamul goboleed ka tirsan dowladda federaalka, waa mid kamid ah meelaha laga dhaqan-geliyey xeeladaha lagu guuleystay.

Kismaayo, oo ah caasimadda ku meel gaarka maamulkan, waxaa lagu sheegaa in ay kamid tahay magaalooyinka ugu amniga wanaagsan dalka.

Mas'uuliyiinta ayaa ku doodey in sababtu ay tahay in sugidda ammaanka la siiyey ahmiyadda ugu sareysa, iyadoo la adeegsnayo sirdoon culus.

Ruuxaan

Inkastoo magaala madaxda rasmiga ah ee maamulku tahay Jilib uuna haysto ururka gacansaarka la leh Al-Qaacidda, xubnaha kasoo goosanaya waxay noqdeen cudud lagu wiiqo.

Tusaalaha ugu wanaagsan waa Ruuxaan, guuto kamid ah ciidamadda sida gaarka ah u tababaran ee Jubaland ee baacsanaya Al-Shabaab.

Askarta ka tirsan guutadan ayaa badankooda kasoo goostay Al-Shabaab, waxaana loo diray furimaha dagaalka markii la dhaqan-celiyey.

Cabdiqaadir, taliyaha guud ee guutada Ruuxaan, ayaa sharaxaad ka bixiyey sababta ay uga soo horjeesteen "saaxiibadoodii hore".

"Annaga kaskeena ayaan isku geynay. Annaga ayaana codsaney in aan meeshaan fadhino oo waddankeena cadowga ka qabano. Ma jirto cid na qasabtay," ayuu Cabdiqaadir yiri.

Khatarta

Guutadan oo fulisa howlgalada gaarka ah ayaa xubno sirdoon ah ku dhex leh Al-Shabaab dhexdooda, soona gudbiya macluumaadyo muhiim ah.

"Waxaan qoriga u qaatay in aan u dagaalamo dadkeyga iyo dalkeyga, waana u dagaalmayaa inta aan dhulka kala simayo Al-Shabaab," ayuu yiri mid kamid ah askarta.

Balse in aad kamid noqoto Ruuxaan waa khatar weyn, Cabdiqaadir, bishii December, 2019, Al-Shabaab ayaa walaalkii ka yar ku beegsatay magaalada Salagle ee gobolka Jubada Hoose.

"Waxaa loo dilay, aniga xagooda 'gaal' soo kama ahi, nin 'gaal ah' baad la shaqeysaa ayaa loo dilay," ayuu hadalkiisu ku daray.

Faadumo Shariif, xaaska Cabduqaadir, oo ku faraxsan nolosha cusub ee saygeeda, ayaa is-barbardhig ku sameysay waayihiisa Al-Shabaab iyo kamid noqoshadiisa Ruuxaan.

"Isbedel wayn ayaan ku arkay. Shabaabta dhib ayaan ku qabnay. Todoba bilood, sideed bilood ayuu maqnaanayaa, dagaal ayuu aadey, lacag laguuma siinaayo caruurta, rafaad ayaan ku qabnay," ayay raacisay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM