RW Khayre oo booqday Saldhigga Balli Doogle

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’isal Wasaaraha dowladda Federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa booqday Saldhig Ciidan oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose, kaasoo fariisin u ah ciidamada Maraykanka, AMISOM iyo kumaandoosta Somalia.

Wafdi uu hogaaminayo Khayre ayaa goordhaweyd gaaray Saldhigga weyn ee Balli Doogle kaasoo amnigiisa si weyn loo ilaaliyo.

Socdaalkan ayaa ahaa mid horay loo sii shaaciyay, kaaso RW Khayre uu shalay sheegay inuu booqan doono Balli Doogle.

Wararka ku saabsan Booqashada Khayre ayaa sheegaya inuu la xariiro sidii uu dhiiri galin ugu samayn lahaa ciidamada halkaas ku sugan ee loo diyaarinayo sugitaanka amniga Somalia.

Waxaa sidoo kale wararku sheegayaan inuu kala hadli doono dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab

Saldhigan oo ku yaallo garoonkii diyaaradaha ee ciidamada Cirka Somalia, ayaa hadda waxaa ku howl gala ciidamada Maraykanka kuwaasoo aan tiradooda la ogayn ilaa iminka, waxaana ka duula diyaaradaha aan duuliyaha wadan ee Drones-ka loo yaqaano.

Waa booqashadii ugu horaysay oo mas’uulkan ku tago halkaas, wuxuuna kusoo aadayaa xilli dowladda wado qorshe lagu sugayo amniga Muqdishu.

Sannadkii hore, waxaa Balli Doogle Booqday Xasan Sheekh Maxamud Madaxweynihii hore Somalia oo tababar usoo xiryay ciidamo Kumaandoos ah oo tababar ku qaata Saldhigaas Milatary.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM