RW Khayre oo booqday Saldhigga Balli Doogle

Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’isal Wasaaraha dowladda Federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa booqday Saldhig Ciidan oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose, kaasoo fariisin u ah ciidamada Maraykanka, AMISOM iyo kumaandoosta Somalia.

Wafdi uu hogaaminayo Khayre ayaa goordhaweyd gaaray Saldhigga weyn ee Balli Doogle kaasoo amnigiisa si weyn loo ilaaliyo.

Socdaalkan ayaa ahaa mid horay loo sii shaaciyay, kaaso RW Khayre uu shalay sheegay inuu booqan doono Balli Doogle.

Wararka ku saabsan Booqashada Khayre ayaa sheegaya inuu la xariiro sidii uu dhiiri galin ugu samayn lahaa ciidamada halkaas ku sugan ee loo diyaarinayo sugitaanka amniga Somalia.

Waxaa sidoo kale wararku sheegayaan inuu kala hadli doono dagaalka lagula jiro kooxda Al Shabaab

Saldhigan oo ku yaallo garoonkii diyaaradaha ee ciidamada Cirka Somalia, ayaa hadda waxaa ku howl gala ciidamada Maraykanka kuwaasoo aan tiradooda la ogayn ilaa iminka, waxaana ka duula diyaaradaha aan duuliyaha wadan ee Drones-ka loo yaqaano.

Waa booqashadii ugu horaysay oo mas’uulkan ku tago halkaas, wuxuuna kusoo aadayaa xilli dowladda wado qorshe lagu sugayo amniga Muqdishu.

Sannadkii hore, waxaa Balli Doogle Booqday Xasan Sheekh Maxamud Madaxweynihii hore Somalia oo tababar usoo xiryay ciidamo Kumaandoos ah oo tababar ku qaata Saldhigaas Milatary.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM