RW Khayre oo Dayniile ku daah-furay shir looga hadlayo amniga

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Somalia Xasan Cali KHayre ayaa booqasho ku tegay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, isagoo u kuurgalay xaaladaha amniga iyo arrimaha bulshada ee degmada ka jira.

Khayre ayaa warbixino ka dhegaystay masuuliyiinta iyo dadweynaha degamada.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shir looga hadlayey amniga ka furay degamada Dayniile, waxana shirka goobjoog ka ahaa taliyayaasha ciidamada, wasiirka gaashaandhigga, wasiirka amniga gudaha,guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo saraakiil kale.

Intaas ka dib, Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa dadka tabaalaysan ee ku nool degmada Dayniile u qaybiyey deeq ka ka timid Imaaraadka Carabta.

Wuxuu uga mahadceliyey sida ay u garab-istaagtay dowladaas shacabka iyo xukuumadda Soomaaliya oo haatan wajahay xilli adag.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM