RW Khayre oo Fariin culus u diray Gollahiisa Wasiiradda [Cod + Sawirro]

Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa Maanta xarigga ka jaray dhismaha Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare oo dib-u- habeyn ballaaran lagu sameeyey.

Khayre ayaa kormeeray qeybaha xaruntaasi ay ka koobantahay, isla markaana la dar-daarmay shaqaalaha Wasaaradda.

Munaasabadda furitaanka waxaa ka qeyb-galay wasiirro, uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Cabdi Faaraxa Saciid (juxa), Xildhibaano iyo marti sharaf kale.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in tallaabada ay qaadeen Wasaaradda Waxbarashada iyo shaqaalaheeda iyagoo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed ay muujineyso in Soomaalidu ay wax qabsan karaan, door lixaad lehna ka qaadan karaan dib u dhiska dalka.

‘’Waa inaan u wada guntanaa dhamaanteen dhismaha dalkeena sida maanta idiin muuqata, waxaan xariga ka jarnay Wasaaraddii Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta sare oo ay dad Soomaaliyeed isku xilqaameen in dib loo dayactiro lana soo celiyo bilicdii ay lahayd”.ayuu yiri R/Wasaare Khayre.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa tilmaamay muhiimadda ay bulshadda Soomaaliyeed u leedahay Wasaaradda Waxbarashadu, isla markaana la doonayo in wax la baro caruurta Soomaaliyeed, si aqoontooda iyo garaadkooda loo kobciyo.

Ugu danbeyn, Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo Tacliinta Sare Cabdiraxmaan Daahir Cismaan, ayaa sheegay in furitaanka Wasaaraddu ay tahay tallaabo wayn oo muujinaysa dib u soo kabashada amniga dalka taas oo abuuraysa in la horumariyo waxbarashadda, waxuuna balanqaaday in ay si caddaalad ku jirto u maamulayaan howlaha shaqo iyo deeqaha waxbarasho ee wadanku helo, loona qaybin doono dhamaan maamul goboleedyadda, si loo soo celiyo kalsoonidii shacabka Soomaaliyeed, loona daraynsiiyo muhiimadda dawladnimo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM