​RW Khayre oo Gudoomiyaasha degmooyinka Banaadir kala hadlay Amniga Caasumadda [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ra’iisul Wasaaraha XFS Xasan Cali Kheyre ayaa maanta ka qeyb galey kulan  Todobaad la ah oo ay iskugu yimaadaan gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir kaasoo looga  hadlayey xaalada magaalada Muqdisho. 

Waxaana kulankan shir gudoominayey gudoomiyaha gobolka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed. 

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo lagu marti qaadey kulanka ayaa madaxda gobolka Banaadir ka  dhagaystey qorshayaal la doonayo in lagu hormarinya magaalada Muqdisho si ay ula jaan qaado  caasumadaha caalamka sidoo kalena intii uu socdey shirku waxaa lagu falanqeeyey xaalada amaan ee  gobolka iyo sidii loo sugey amnaanka caasumada bisha Ramadaan. 

Ra’iisul Wasaaraha oo la dar daarmey maamulka gobolka Benaadir ayaa yiri” waxaan soo jeedinayaa  iney si dhow u wada shaqeeyaan ciidanka xasilinta amaanka Muqdisho iyo gudoomiyayaasha gobolka  Benadir si loola socdo dhaq-dhaqaaqa kooxda argagaxisada ah ee Alshabaab maadaama ey shacabka  Soomaaliyeed u diyaar garoobayaan farxada maalinta ciida."

“Waxaan aad uga murugeesanahey qarixii shaley ka dhacey degmada Wadajir ee gobolka Benaadir  kaasoo lagu dhibaateeyey hooyooyin iyo dhalinyaro Soomaaliyeed oo u shaqeenayey dalkooda,waxaana  Rabi uga baryayaa inuu dambigooda dhaafo maadaama ay shahiideen 10-kii dambe ee bisha Ramadaan  balse Mas’uulayadiisa waxaa qaadanaya madaxda wadanka oo aan ugu horeeno anaga” ayuu yiri Ra’iisul  Wasaare Xasan Cali Kheyre. 

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxuu maalmihii ugu dambeeyey wadey kulamo gaar  gaara oo uu la yeelanayo laamaha amniga iyo maamulka gobolka Banaadir isagoona kala xaajoonaya  sidii loo sii xoojin lahaa xasilinta amaanka Muqdisho. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM