RW Kheyre oo kulan la qaatey Saraakiisha Hay'adahaAmniga [Dhageyso]

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisal Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kulan deg deg ah waxuu Xafiiskiisa kula qaatey Madaxda Hay'addaha amniga, kadib markii Qaraxii shalay ee dadkaa badan ay ku dhinteen.

Wasiirka Warfaafinta Eng Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow, ayaa Saxaafada ugu warbixiyay waxyaabaha looga hadlay shirka gaarka, iyo qorshooyinka dowladda ee wax looga qabanayo qaraxyada.

Wasiirka amniga iyo Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ayaa ka qeybgalay Kulanka, kaasi oo diirada lagu saarey arrimaha amaanka, iyo sidii loo soo afjari lahaa dagaalka ka dhanka ah Kooxda Al shabaab.

"Ujeedka kulanka wuxuu ahaa sidii cashar looga baran lahaa Qaraxii shalay xarunta degmada Wadajir ka dhacay iyo wax u qabashada dadkii ku dhaawacmay," ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Somalia.

Eng Yariisow ayaa intaasi ku daray in dowladda ay ka go'an tahay inay soo afjarto jiritaanka iyo khatarta Kooxda Al shabaab, oo uu sheegay in waqtogooda uu soo dhamaadey, islamarkaana awooda la wiiqay.

Ra'iisal Wasaaraha ayaa ugu baaqay shacabka inay kala dhaqeeyaan Hay'adaha dowladda inay kala shaqeeyaan kahor taga weerarada Ismiidaaminta ee Al shabaab, ka fuliso gudaha magaalada Muqdishu.

Dhanka kale, Ciidamada dowladda ayaa kordhiyay baaritaanno gaadiidka kala duwan, waxaana laga dareemayaa Wadooyinka magaalada mashquul badan iyo dhaq-dhaqaaqa ciidanka xasilinta.

GAROWEONLINE

HALKAAN KA DHAGEYSO

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM