​RW Kheyre oo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska [Akhri]

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa Injineer Saadiq Cabdullaahi Cabdi u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu shaaciyay magacaabista Wasiirka cusub.

Injineer Saadiq Cabdullaahi, ayaa bedelaya Wasiirkii hore, Marxuum Cabaas Siraaji, oo Askari katirsan dowladda, gaar ahaan Ilaalada Hanti-dhowrihii hore Nuur Faarax Jimcaale ku dilay Muqdishu 3dii May.

Mudane Kheyre ayaa ka codsadayy Madaxweyne Farmaajo inuu dhameys-tiro hab-raaca la xiriira magacaabista Wasiirka cusub, ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u Dhiska Injineer Saadiq.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM