​RW Kheyre oo magacaabay Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska [Akhri]

Image

MUQDISHU, Somalia - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa Injineer Saadiq Cabdullaahi Cabdi u magacaabay Wasiirka Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska.

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa lagu shaaciyay magacaabista Wasiirka cusub.

Injineer Saadiq Cabdullaahi, ayaa bedelaya Wasiirkii hore, Marxuum Cabaas Siraaji, oo Askari katirsan dowladda, gaar ahaan Ilaalada Hanti-dhowrihii hore Nuur Faarax Jimcaale ku dilay Muqdishu 3dii May.

Mudane Kheyre ayaa ka codsadayy Madaxweyne Farmaajo inuu dhameys-tiro hab-raaca la xiriira magacaabista Wasiirka cusub, ee Wasaaradda Howlaha Guud iyo Dib-u Dhiska Injineer Saadiq.

GAROWEONLINE

Related Articles

Muxuu Bixinayaa Sawirka Labada Taliye Sirdoon ee Ku Sugan Dalka Itoobiya?

Kulanka labada taliyeyaal ayaa kusoo beegmaya xilli kooxda Al-Shabaab ay maanta…

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 06:39PM

Xasan Sheekh oo la kulmay Abiy Ahmed kahor Shirka Addis Ababa

Shirka waxay dalalka kale usoo direen wafuud aan Madaxweyne ku jirin, oo heerkooda hooseeyo.

  • Soomaliya

    27-07-2025

  • 01:21PM