​RW Kheyre oo xalay u kuur-galay Amiga Muqdishu [SAWIRRO]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa xalay kormeer shaqo oo uu ugu kuurgalayo sida ay ku socdaan howlaha xasilinta amniga caasimadda ku maray qaar kamid ah degmmiyinka Gobalka Banaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya degmooyinka uu tagay waxaa kamid ah; Wadjir, Hodan, Howl wadaag, Warta nabadda, Yaaqshiid, Waaberi, Xamarweyne, Shangaani, Cabdalcasiis, isagoo warbixino ka dhageystay saraakiisha ciidamada.

Mudane Kheyre ayaa Isgoyska Bakaaraha kula kulmay Ciidamo ka tirsan Howlgalka Xasilinta Amniga Caasimadda oo howlo baarintaano ah xilligaas ku howlanaa, wuxuuna bogaadiyay sida wanaagsan ee ay ciidamadu u gudanayaan waajibaadka qaran ee loo xilsaaray, taasoo ay ku jiifaan maaliyiin Soomaalia ah oo ku nool magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo ku socdaalay wadada dheer ee Wadnaha ayaa u sii gudbay dagmada Yaaqshiid, halkaas oo ay sidoo kale ka howlgalayeen Ciidamada howgalka Xasilinta Amniga Caasimadda.

Isgoysyada Qaar wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu kula kulmay dadweyne Soomaaliyeed oo dhallinyaro iyo waayeel isugu jiray, kuwaa oo qaarkood ku gudajiray howlo ganacsi, iyadoo saacaddu ay ka gudubtay 12:00Am Waqtiga Geeska Afikada Bari.

Qaar kamid ah Dadweynaha uu Waddooyinka kula kulmay Mudane Kheyre ayaa bogaadiyay go’aanka Xukuumadda ee lagu Xasilinayo Amniga Caasimadda, waxayna ra’iisul wasaaraha u sheegay in ay dareemeen isbadal iyo xasillooni ku timid Ammaanka Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Kormeerka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo la xiriiray dhiirrigalinta howlaha Ciidamada Xasilinta Amniga Caasimadda ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiirka Amniga XFS Mudane Maxamed Abuukar Isloow “Ducaale” iyo Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbalooshe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM