RW oo Daah-furey Ollolaha nadaafadda Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ku xigeenkiisa  Mahdi Maxamed Guuleed ayaa si rasmi ah u daah furay Ollolaha nadaafadda ee bilicda dalka oo maanta ka bilowday magaalada Muqdisho, kaasoo lagu aruurinayo qashinka yaala goobaha aan loogu tala galin iyo wadooyinka magaaalda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa shaqaalaha xafiiskiisa kala qayb qaatey qashin aruurinta waxuuna ku soo wareegay dhaamaan xafiisyda iyo meelaha ay yalaaan qashinka,waxuu kaloo soo eegay afaafka hore ee madaxtooyada oo laga wadey Ollaha nadaafada. Waxuuna ku dhiiri galiyey shaqaalaha xifiiskiisa inay ilaaliyaan nadaafada dalka iyo bilicda wadanka si loo helo deegaan nadiif ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegey in ollolahan uu noqon doono mid qaran bil walba Khaamiista ugu dambeysa laga samaynayo dhamaan gobollada dalka, waxuuna raaciyey in loo baahan yahey bulshada Soomaaliyeed in ay is abaabulaan una diyaar garoobaan sii ay iskood wax u qabsan lahaayeen.

“Caasimadda Muqdisho waa muraayada dalka, sidaas daraadeed mashruucan olalaha nadaafadda ee bilicda dalka, waxuu soo celinayaa bilicdii ay caasimadu laheyd. Horumarka uu dalku ku tallaabsanayo maalin walba waxey keentay in dadkeenu ku dhiiradaan sidii ay iskood dalkooda wax ugu qaban lahaayeen, shirkadaha maxaliga ah ee ka shaqeeya nadaafadda waxaa fursad loo siiyey in kaalintooda ay qaataan. Nadaafadu waa waajib diini ah oo nooga wada baahan inaan ka wada shaqeyno.”

Dhamaan xarumaha dowlada iyo degmooyinka Muqdisho ayaa laga sameynayaa Ollolah nadaafadeed, iyadoo ay Xukuumadda iyo Maamulka gobolka Banaadir hormuud u yihiin isu soo baxan lagu nafiifinayo bilicda Caasimadd.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisad Ka Taagan Bartamaha Soomaaliya kadib Markii Al-Shabab la wareegtay Degmo muhiim ah

Si looga jawaabo weerarkaasi, dagaalyahanada Macawiisleey, oo ah maleeshiyo bulsho oo taageerta dowladda federaalka.

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 11:16AM

Xasan Shiikh oo ka soo muuqdey Antalya xilli Soomaaliya ay wajahayso qalalaase amni iyo siyaasadeed

Sawirkan oo aad loogu falceliyay baraha bulshada, ayaa yimid xilli dalka…

  • Soomaliya

    17-07-2025

  • 01:47AM