RW Somalia oo dhagax dhigay Waddo la dayactirayo

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisul Wasaaraha dowladda Federaalka Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa maanta dhagax dhigey dhismaha Jidka Soddonka oo is ku xirta dagmooyinka dhowr ah oo ka tirsan gobolka Banaadir,waxaana dhaqaalaha ku baxaya iska kaashanaya maamulka gobolka Banaadir iyo shacabka Soomaaliyeed.

Godoomiyaha Gobolka Benaadir Thabit Cabdi Maxamed oo furitaanka Wadada ka hadlay ayaa tilmaamey in shacabka Muqdisho looga baahan yahay inay la shaqeeyaan dawladda, ayna ka qeyb qaataan horumarka ka socda caasimadda si looga gudbo dhibaatooyinka ka dhex jira Muqdisho iyo guud ahaan dalka Soomaaliya.

Taabid ayaa cadeeyay in Dawladda Hoose ay qeyb muhiima ka qaadaneyso dhismaha waddooyinka iyo sugidda amniga caasimadda.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ka hadlay furitaanka dib-u-dhiska Jidka Soddonka ayaa sheegay in dhismaha wadooyinka caasimadda ay ka qayb qaadanayaan xasilinta aminiga Muqdisho, isla markaana bilow u tahey in shacabku helaan adeegyadii ay dawlada uga baahnaaayeen sida Caafiimad,Wadooyin iyo Amni.

“Waxaan shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmayaa inay ka shaqeeyaan dib-usoo-celinta billicda dalka iyo dib-u-dhisida caasimada, iyagoo la kaa shanaya hoggaankooda,” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Kheyre.

Maamulka Gobolka Benaadir ayaa bilihii lasoo dhaafey sameenayey waddooyin muhiim u ah isu socodka dadweynaha iyo gaadiidka ku dhex shaqeeya Caasimadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM