RW Somalia oo haween kula kulmay Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta kulan la qaatey qaar kamid ah Haweenka Soomaaliyeed, wuxuuna kala hadley qaabkii la iskaga kaashan lahaa shaqada dalka ka socto haweenkuna ay qayb tooda uga qaadan lahaayeen howsha Qaran.waxaana kulankan soo qaban qabiyey Wasaarada Haweenka iyo Xaquuqul Insaanka ee Soomaaliya.

Qaar kamid ah Haweenkii ka soo qayb galey kulanka ayaa cadeeyey inay garab taagan yihiin dowlada isla markaan ay ka qayb qaadanayaan dib u dhiska dalka iyo xasilinta amniga,waxeyna ku dhiiri galiyeen Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo Xukuumadiiisa sida dardarka leh ee ay shaqada u wadaan.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaaa sheegey in Haweenku ay yihiin laf dhabarka bulshada sidoo kalena ay u nugulaayeen dhibaatooyinkii ka dhici jirey dalka kuwaasoo ay goob joog u ahaayeeen ,sidaas dardeedna loo baahan yahey inay hurmuud u noqdaa sidii loo wacyi galin lahaa dadka taasin ay fududayneyso in bulshada la fahansiiyo muhiiimada dowladnimada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa tilmaamey in Haweenka Soomaaliyeed ay door muhiim ah ku leeyihiin a dib u dhiska dalka iyo soo celinta sharftii ay la haayeen dadka Soomaliyeed,waxuuna uga mahed celiyey xiligii uu dalku ku jirey burburka sidii ay Hawenku iski xilqaameen una bad baadiyeen qaybaha kala duwan ee shacabka.

“Waan la soconaa dhibaatooyinka ay la kulmaan haweeenka Soomaaliyee oo ay ugu horeyso Kufsiga iyo in mararka qaar la dulmiyo wixii ay xaq u lahaayeenn, balse waxaaa looga baahanyahey Haweenkeenu iney is abaabulaan una diyaar garoobnaan dib u dhiska dalka bulshadana ay ku dhiri galiyaan iney aamniaan dolwadooda si loo gaaro horumar iyo nabad”ayuu yir Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Kulankan waxuu qeyb ka noqonayaa shirar gooni gooniya oo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu la yeelanayey qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed si uu ula wadaago talooyinka dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM