RW Somalia oo xukuumada cusub horgeynaya Barlamanka Federaalka ah

Image

MUQDISHU, Somalia- Kulan Madaxweynaha Somalia, Ra'isla wasaraha Somalia iyo gudoomiyaha Barlamanka Federaalka ku dhexmarey Villa Somalia ayaa ku soo dhamaadey is-fahanwaa kadib markii la isku khilaafey dhismaha xukumada cusub.

Warsidaha GO ayaa fahansan in Ra'isal wasaraha Somalia ku adkeystey in maalinta Arbacada soo socota xukuumada cusub horkeeni doono Barlamanka Federaalka Somalia isagoo ganafka ku dhuftey in wax laga badalo dhismaha golaha wasiirada cusub.

 Kulankaan ayaa waxaa goob joog ahaa Madaxweynaha Somalia isagoo qaadanayey door ah inuu dhexdhaxadiyo labada mas'uul oo kale.

Bur-burka kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo yeerayaan dhawaqyo  Barlamanka cusub ee Somalia looga codsanayo iney ansaxiyaan xukumada cusub iyagoo eegaya danta ummada Somaliyeed islamarkaana fursad siinaya Madaxweynaha Somalia iyo Ra'isal wasaarihiisa kuwasoo lagu doortey codad aqlabiyad ah.

Magalaada Muqdishu ayaa waxaa ka socda dadaalo loogu jiro sidii xukuumada cusub ee Somalia loo ansaxin lahaa inta uusan dhamaan asbuucaan aan ku guddo jirno.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM