RW Somalia oo xukuumada cusub horgeynaya Barlamanka Federaalka ah

Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia- Kulan Madaxweynaha Somalia, Ra'isla wasaraha Somalia iyo gudoomiyaha Barlamanka Federaalka ku dhexmarey Villa Somalia ayaa ku soo dhamaadey is-fahanwaa kadib markii la isku khilaafey dhismaha xukumada cusub.

Warsidaha GO ayaa fahansan in Ra'isal wasaraha Somalia ku adkeystey in maalinta Arbacada soo socota xukuumada cusub horkeeni doono Barlamanka Federaalka Somalia isagoo ganafka ku dhuftey in wax laga badalo dhismaha golaha wasiirada cusub.

 Kulankaan ayaa waxaa goob joog ahaa Madaxweynaha Somalia isagoo qaadanayey door ah inuu dhexdhaxadiyo labada mas'uul oo kale.

Bur-burka kulankaan ayaa ku soo beegmaya xilli ay soo yeerayaan dhawaqyo  Barlamanka cusub ee Somalia looga codsanayo iney ansaxiyaan xukumada cusub iyagoo eegaya danta ummada Somaliyeed islamarkaana fursad siinaya Madaxweynaha Somalia iyo Ra'isal wasaarihiisa kuwasoo lagu doortey codad aqlabiyad ah.

Magalaada Muqdishu ayaa waxaa ka socda dadaalo loogu jiro sidii xukuumada cusub ee Somalia loo ansaxin lahaa inta uusan dhamaan asbuucaan aan ku guddo jirno.

GAROWEONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Yurub oo badbaadiyay Markab Shidaal oo lagu afduubey Xeebaha Soomaaliya

Burcad-badeedda xeebaha Soomaaliya ayaa heerkii ugu sareeya gaarey 2011, iyadoo dhacay 237 weerar oo afduub ah.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 07:01AM

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir oo la eryay kadib fadeexadii Hooyada banaanka ku dhashay

Wasiirka Caafimaadka iyo Adeegga Bulshada, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbitaalka, Fartuun Shariif.

  • Soomaliya

    08-11-2025

  • 06:05AM