Saamayn ka dhalatay roobab ka da'ay Bakool

Image
Image
Image
Image
Image

XUDUR, Somalia-  Roobab laxaad leh ayaa ka da'ay qaybo kamid ah Koonfurta dalka Somalia gaar ahaan gobolka Bakool, waxaana lagusoo waramayaa inay sameeyeen Daadad xooggan oo qaaday duunyadii ay dhaqanayeen reer guuraaga.

Deegaano xoos yimaada xarunta gobolkaas ee Xudur, ayaa la sheegay in ugu yaraan 50 qoys ay xoolihii ka qaadeen roobab da'ayay 24 saac ee lasoo dhaafay.

Maxamed Yuusuf oo la hadlayay Laanta Afka Somaliga ee BBC-da ayaa xusay in xoolahii iyo gaadiid wixii uga bad-baaday abaartii ka dhacday Somalia uu galaaftay roobkaas.

"Xoolo wixii aan lahayn iyo gaadiidkeeni waxaan ku weynay roobab xoog leh oo ka da'ayay deegaano hoos yimaada degmada Xudur. Ilaa kontos qoys ayaa ku hanti beelay," Sidaas waxa yiri Maxamed Yuusuf oo kamid ah odoyaasha dhaqanka gobolka.

Xoolahooda ayuu xusay inay ahaayeen kuwo tabar yar oo aan iska difaaci karin dhibicda roobka, isagoo qiray inaysan ka gaashaaman dhacdadan.

Mar wax laga weydiiyay in wax gurmad ah ka heleen maamulka ay hoos yimaadaan.

Roobab xooggan ayaa muddooyinkan ka da'ayay qaybo kamid ah dalka Somalia, kuwaasoo qaybtood galaaftay nolosha dad ka badan 10 ruux.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyay inuu Ciidanka Qaranka u adeegsanayo caburinta mucaaradka

Si kastaba, Garowe Online si madax bannaan uma xaqiijin karto tirada ciidamada la sheegay in la geeyay Muqdisho.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:36PM

Sheekh Shariif: Al-Shabaab Waxay Qabsatay Goobo Muhiim ah, Dowladda Waa Fashilantay

Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladda aysan ku guuleysan dhiirrigelinta iyo kalsooni-siinta ciidamada qalabka sida.

  • Soomaliya

    03-09-2025

  • 01:29PM