Sababta ciidamada telefoonada looga qaado kahor gulufka AlShabaab

Image

KISMAAYO, Jubbaland – Ciidamadda Soomaaliya ayaa laga uruuriyaa telefoonada kahor inta aysan guda gelin howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, sidda lagu sheegay dukumiintiri BBC-du baahisay.

Barnaamijkaas oo soconaya ku dhowaad 29-daqiiqo ayaa laga diyaariyey Jubaland, maamul xubin ka ah federaalka Soomaaliya, waxaana diiradda lagu saarey nabad-gelyada, siyaasada iyo amniga.

Tusaalooyinka lagu soo qaatay waxaa kamid ah weerarka bishii July ee huteel Cascasey, oo wax badan ka bedelay qaabka loo xaqiijiyo ammaanka magaaladda oo xeelado hor leh lagu soo kordhiyey.

Dowlad goboleedkan oo uu madaxweynaha ka ah Axmed Maxamed Islaam ayaa ka kooban goboladda Gedo, Jubadda Hoose iyo Jubadda Dhexe, caasimadiisuna waa Jilib, hadda kuma shaqeeyo.

Falaagada gacansaarka la leh shabakadda Al-Qaacida ayaa waxay gacanta ku haysaa magaala madaxda oo sidoo kale ah fariisinka ugu weyn ee ururkaas.

Ciidamo uu horkacayo Axmed Madoobe oo garab ka helaya kuwa Kenyan ah ayaa Kismaayo, oo ah caasimadda ku meel gaarka, ka xorreeyay Al-Shabaab 2012-kii kadib dagaal qaraar oo dhiig badan ku daatay.

Kismaayo ayaa haatan kamid ah magaalooyinka ugu amniga wanaagsan Soomaaliya, sababtuna waa in aad looga shaqeeyay nabad-gelyadda lana xoojiyey sirdoonka, sidda ay sheegeen mas'uuliyiinta maxaliga.

Wariyaha daadihinaya barnaamijka BBC Africa Eye, Jamaal Cusmaan, oo la kulmay ciidamo isku diyaarinaya guluf ka dhan ah Al-Shabaab, ayaa ku talogalkiisa wuxuu ahaa in uu la tago jiida hore ee dagaalka.

Kahor safarkooda, Taliye Khaalid oo askarta xusuusiyey in looga baahan in ay si adag ula dhaqmaan cadogw una naxariistaan rayidka, ayaa amray in laga uruuriyo telefoonadda "iyadda oo aysan shaki ahayn".

Ciidamadda Daraawiishta Jubaland ayaa kahor inta aysan qaadin howlgaladda, waxay macluumaadyo ka helaan xog-doono ugu dhexjira Al-Shabaab, sidda uu tilyuhu shaaciyey.

BBC Africa Eye ayaa rumeysan in sababta looga qaadayo telefoonadda ay tahay si looga hortago in qaar kamid ah askarta ay dusiyaan xogta maadaama "ay jiri karaan cutubyo ku jira oo si qarsoodi ah ula shaqeeya".

Kadib amarka Taliyaha, askarta oo u hogaan-samay ayaa waxay "si baarinimo ah" ku wareejiyeen telefoonadda oo meel qura la wada dhigay.

Gulufkooda ayaa wuxuu ku sii jeeday tuuladda Beexaani. Balse, Al-Shabaabkii ku sugnaa waa ay ka baxeen taas oo meesha ka saartay iska hor-imaadkii.

Tani ayaa xoojineysa sheegashooyinka ah in Al-Shabaab ay ku dhex-milantey laamaha ammanaka. Kadib weerarkii xarunta gobolka Banaadir ee Injineer Yariisow ku baxay ayuu kordhay tuhunka.

Shaqaalaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo ay ku jiraan kuwa la howlgala hay'addaha ammaanka iyo askarta ayaa lagu bilaabay baaris lagu kala saaro "kuwa nadiifka ah iyo xubnaha laba kaarleyaasha ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM