Safiirada Soomaaliya & Algeria ee Ethiopia oo isla qaatay la dagaalanka ‘AS’

Image

ADDIS ABABA - Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Ethiopia Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa kulan la qaatay dhiggiisa ah ee Jamhuuriyadaha Algeria ee dalka Ethiopia Amb. Mohamed Lamine Laabas, sida ay warisay warbaahinta dowladda,

Danjiraha Soomaaliya Mudane Warfaa iyo Danjiraha Jamhuuriyadda Algeria ayaa kulankooda kaga arrinsaday xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, iyagoo sidoo kale isla qaatay kobcinta iyo kor u qaadista xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Algeria.

Danjire Lamine ayaa sidoo kale ballan qaaday in Dawladdiisu ay Soomaaliya si joogto ah ugala shaqayn doonto la dagaalanka argagixisada iyo horumarinta arrimaha bulshada.

Safiir Cabdullaahi Warfaa ayaa dhigiisa Algeria uga mahad celiyay sida ay Dawladdiisu mar kasta garab istaag soo jireen ah ugu muujiso Soomaaliya, iyadoo sidoo kalena ay Algeria ku sugan yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed oo waxbarasho iyo ganacsiba ku haysta dalkaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM