Sagaal qof oo loo xiray ka ganacsiga cunnooyin iyo cabitaanno dhacay

Image
Shaqsiyaadkan ayaa lagu waramay in ay jawaano iyo taariikhyo cusub siiyeen badeecadahan dhacay.

MUQDISHO, Soomaaliya - Laamaha ammaanka Soomaaliya ayaa xabsi u taxaabay sagaal ruux kuwaasoo lagu eedeeyay ka ganacsiga cunnooyin iyo cabitaano dhacay, sidda uu shaaciyey xafiiska xeer-ilaalinta.

Sidda laga soo xigtey war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska xeer-ilaalinta, shaqsiyaadkan ayaa lagu waramay in ay jawaano iyo taariikhyo cusub siiyeen badeecadahan dhacay.

Balse, xafiiska ma uusan shaacin goobta iyo taariikhda lasoo qabtey eedeysaneyaasha. Hase ahaatee, waxa uu caddeeyay in la horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir.

HOOS KA AKHRISO QORAAL XAFIISKA SOO SAAREY

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud waxa uu horgeeyay Maxkamadda Gobolka Banaadir 9 eedaysane oo lagu soo xiray ka ganacsiga cunnooyin iyo cabitaanno dhacay ayaga oo jawaano iyo taariikho cusub siinaya raashinka iyo cabitaannada dhacay.

Fal-dembiyeedkaas oo baaristiisa u gacanta ku hayo Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, marka ay baaristiisu soo dhammaato Waxa uu
eeddooda u gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh.

Xafiisku waxa uu digniin culus u dirayaa cid kasta o ku hawlan ka-ganacsiga cuntooyinka dhacay, kuwaas oo bulshada khatar wayn ku ah.

Ugu dambeyn, Xafiisku waxa u bogaadinayaa dadaallada hay'adaha amnigu ay kaga hortagayaan dadka caadaystay falalkaas gurracan, sidoo kale waxaa u ku boorinayaa bulshada Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaan hay'adaha amiga sidii loo soo afjari lahaa falalkaas khatarta ku ah bulshada.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad oo loo magacaabayo Wasiiru dowlaha Madaxtooyadda - XOG

Cali Balcad wuxuu ahaa wakiilka gaarka Madaxweyne Xasan Sheekh arrimaha wadahadalka Itoobiya iyo hirgelinta heshiiskii Ankara.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:37AM

Aadan Madoobe oo Cabsi in xilka laga qaado u furi la'yahay Gollaha Shacabka

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Aadan Madoobe, ayaa ilaa hadda ka jawaabi waayay eedeymaha soo baxay.

  • Soomaliya

    28-04-2025

  • 08:09AM