Saldhig Amisom ku leedahay Shabeelaha Hoose oo la weerarey

Image

LEEGO, Somalia - Malleeshiyada Ururka Al shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaadey saldhig military, oo ciidamada AMISOM ku leeyihiin deegaanka Leego ee gobolka Shabeellaha hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay dhowr hoobiye ku dhaceen gudaha iyo daafaha saldhiga AMISOM ee deegaanka Leego, waxaana xigay iska-hor-imaad dhexmaray ciidanka Midowga Africa iyo Al shabaab. 

Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Labo qof oo shacab ah ay ku dhaawacmeen weerarka, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha gaarey ciidanka AMISOM ee ku sugan saldhigga la duqeeyay ee deegaanka Leego. 

Warbaahinta Afka Al shabaab ku hadasho ayaa sheegay in ku dhawaad 6 Askari oo ka tirsanaa AMISOM lagu dilay Duqeynta madaafiicda ay ku qaadeen xarunta military eeciidamada Midowga Africa. 

Mas'uuliyiinta maamulka gobolka Shabeellaha hoose, ayaan wali ka hadal weerarka Leego. 

Al Shabaab ayaa saldhiga Leego weerar ku qaadey 26-kii June, 2015 kaasi oo ay sheegeen inay ku dileen 70 Askarioo u dhashay dalka Burundi, kuwasoo qeyb ka ahaa AMISOM. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM