Saraakiil loo xiray maxaabiistii ka baxsatay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Saraakiil iyo askar ayaa xabsi loogu taxaabay saddex maxbuus, oo 29-kii December, sanadkii hore 2019, ka baxatay Xabsiga Dhexe ee Xamar, sidda uu ogaaday Garowe Online.

Illo wareedyo ayaa u sheegay warsidaha GO in shaqsiyaadka la xiray uu kamid yahay taliyaha ciidamada heeganka ku jiray xiliga ay maxaabiista baxsaneysay.

Jeelka oo ku yaala degmada Xamarwayne ayaa ah mid amnigiisa aad loo sugo, maadaama ay ku jiraan xubno loo xukumay dambiyo kala duwan oo ay kamid yihiin falal argagixiso.

Taliska guud ee Asluubta Soomaaliya ayaa diidey in uu fahfaahin buuxda ka bixiyo xariga saraakiisha iyo baaritaanka socda.

Maxaabiista baxsatay oo midkood laga soo qabtay Kawaanka Kaluunka degmadda Xamarwayne ayaa loo xukumay Al-Shabaabnimo.

Labadda maqan ayaa waxaa lagu waramayaa in midkood lagu xukumay xabsi daa'in, halka kan kale lagu ridday 10-sano oo xarig ah.

Baxsashadda ayaa timid maalin kadib qaraxii dhimashadda badan keenay ee isgoyska Ex-kontarool Afgooye, halkaasoo lagu khaariyey ku dhowaad 100 qof oo shacab u badan kuna dhaawacmeen 130 kale.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Taliye Ciidan oo Helay Darajada Ugu Sarreysa kadib Dagaal uu La Galay Dal Deris Ah

Qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan ayaa lagu sheegay in Munir lagu…

  • Soomaliya

    21-05-2025

  • 12:55PM

Aqalk Cad oo baahiyay muuqaalka duqeyn lagu beegsaday Daacish gudaha Calmiskaad

Mareykanka ayaa toos uga qeyb-qaadanaya dagaalka Daacish ee ka socda Calmiskaad, kaasoo Ciidamada Puntland billaabeen December 2024.

  • Soomaliya

    21-05-2025

  • 11:41AM