Saraakiil uu Mareykanka u tababaray Soomaaliya oo wajahaya dacwad

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xafiiska xeer-ilaalinta maxkamadda ciidamadda Soomaaliya ayaa wuxuu dacwad kusoo oogeysay saraakiil iyo taliyeyaal ka tirsan Kumdaandooska uu tababaray Mareykanka.

Xubnahaas oo lagu haysto musuqmaasuq iyo wax is-dabamarin ayaa qaarkood xilalka laga xayuubiyey markii "ay ku cadaatay dambiga".

Xoogaga Danab oo fariisinkoodu yahay xerada Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa si guud uga tirsan Ciidanka Xoogga.

Dowladda ayaa saldhigan oo dhowaan ay weerartay Al-Shabaab u dirtay Guddiga baaris iyo xaqiiqo raadin oo ka socda Maxkamadda Milatariga si ay isugu soo dabaridaan gal-dacwadeedka.

Eedeymaha loosoo jeedin doono ayaa lagu wadaa in ay qayb ka noqdaan Dambiyadda liddka ku ah shaqadda iyo ammaanada ciidanka tusaale ahaan; lumin agabka ciidanka, lunsasho iyo dayacaad.

"Bashu ciyaar waa dhaaftay, qofka hadii uu damiirkiisa xukumi waayo, ushaa lagu xukumaa," ayuu yiri. "Laakiin, danab lagama fileyn waxaas dhaca," ayuu raaciyey xeer-ilaaliyaha maxkamadda ciidamadda.

Xasan Cali Nuur [Shuute], gudoomiyaha maxkamadda, ayaa cod dheer wuxuu tilmaamay in talaabo sharciga waafaqsan la marsiin doono saraakiisha.

"Haddey dayac kaaga lumaan dambi waaye, hadaad adiga gadato oo lunsato kawaran? Macnaheedu waa dhibaatada iyo jabhadda lala dagaalamayo, adigaa ka daran," ayuu xusay gudoomiye Shuute.

Saraakiil iyo baareyaal ka tirsan maxkamadda ciidamadda oo ku hartay xerada Balidoogle ayaa isku dabaridi doona kiiska ka dhanka ah saraakiisha oo la filayo in dacwad lagu soo oogo lana maxkamadeeyo.

"Soomaaliya, dalkeena, dowlad ahaan uma burburinee ciidan ahaan ayuu u burburay, Sababtoo ah, gacantii wax qaladaa ciddi qaban lahayd waa ciidamadda, haddey iyaga wax qaldaan yaa qabanaayo".

Askarta kumaandooska ah ayaa ku booriyey in ay taliskooda u gudbiyaan ruux walba oo kamid ah oo fal qalad ah ku kaca.

"Taliyeyaasha iyo kooxda joogta waxaan u soo sheegaynaa in askariga laga qoro warbixn maalinle ah. Akhlaaqdiisu ma fiican tahay? Qof xun iyo qof fiican in ay isku dhex-jiraan, waa la kala baxay maanta kadib".

Xerada Balidoogle ayaa waxaa maamula Mareykanka, iyadda oo qayb ahaan ay kaga sugan yihiin cutubyo ka tirsan AMISOM.

Washington oo Soomaaliya ka taageerta ammaanka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo gulufka argagixisadda ayaa horey u joojisay taakuleynta ciidanka musuqmaasuqa ka dhex-jira wallow ay dib u bilowday.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM