​Sarkaal kairsan Ciidamada Canshuuraha oo lagu dilay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Sarkaal katirsanaa Waaxda Canshuraha Wasaarada Maaliyadda dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta oo Isniin ah lagu dilay magaalada Muqdishu.

Goobjooge ayaa u sheegay GO in rag ku hubaysan ay ku toogteen Askariga gudaha suuq ku yaalla xaafada Seybiyaano ee Degmada Hodan, xilli uu ku mashquulsanaa qaadista lacago canshuur ah.

Marxuumka la dilay waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Cabdullaahi Timo-Jilic. Wali lama oga cida dishay iyo sababta loo dilay, balse dilalka noocan ah waxaa ka geesta magaalada Kooxda Al shabaab.

Laba dhalinyaro ah oo watay Mooto ayaa dilay askariga, kuwaasi oo durbadiiba goobta ka baxsaday kahor inta aysan soo gaarin Ciidanka amniga oo markii dambe fuliyay howlgal aan cidna lagu soo qaban.

Shalay gelinkii dambe ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay ku dileen degmada Wardhiigley Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo magaciisa lagu soo koobay Siciid Kaarshe.

Al shabaab ayaa beegsiga ku haya Shaqaale dowladda, Askarta iyo Odayaashii soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Somalia, kadib markii uu joogsaday Howlgalkii xasilinta Caasumada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Wajahaya Go’doon Siyaasadeed iyo Isbahaysigiisii oo Burburaya  

Kala daadashadan waxay kusoo beegmaysaa xilli dalku wajahayo loolan adag oo la xiriira wax ka beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 01:20PM

Qarax ka dhacay Buuraleyda Calmiskaad oo lagu dilay afar qof

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hore u ballan qaaday in la xoojin doono howlgalada militari.

  • Soomaliya

    29-04-2026

  • 12:45PM