Sarkaal katirsan Al shabaab oo isku dhiibay Ciidamada dowladda

Image

BURHAKABO, Somalia - Sarkaal katirsan Kooxda Al shabaab ayaa la sheegay in uu isku soo dhiibey Ciidamada dowladda Federaalka Somalia ee ku sugan degmada Buurhakabo, ee gobolka Baay.

Gudoomiyaha degmada Buurhakaba Xuseen Maxamed Cali ayaa xaqiijiyay in Horjoogan oo wata qori AK-47, oo xiriir dhanka Taleefonka lasoo sameeyay Saraakiil Ciidan, kahor inta uusan isasa soo dhiibin.

Gudoomiyaha ma uusan sheegin magaca Ninkan uu sheegay inuu ka tirsan yahay Al shabaab.

Wuxuu intaasi ku daray inay jiraan Dagaalyahano badan oo horey isku soo dhiibey, kuwaasi oo la geeyay xarunta dhaqan-celinta malleeshiyaadka kasoo goosta Al shabaab, oo ku taalla magaalada Baydhabo.

Wasiirada difaaca Somalia ayaa dhawaan sheegtay in 50 dagaalyahan oo katirsanaa Al shabaab ay isku soo dhiibeen Ciidamada, iyagoo ka faa'adysanaya Cafiska labada bilood ee Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha Dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa todobaadkan markale ugu baaqay Al shabaab inay hubka dhigaan, islamarkaana ay aqbalaan dib u heshiisiin iyo wadahadal nabadeed.

Al shabaab ayaa dhowr jeer oo hore u diiday baaqyo nabadeed, oo Madaxdii hore uu jeediyeen.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM