Sarkaal lala xiriiriyey Al-Shabaab oo lagu xukumay 15-sano xarig ah

Image
Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban karo rafcaan, sidda ay sheegtay Maxkamada Ciidamadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal oo ah 63 jir ah ku dhashay BaydhabO ayaa loo soo xiray in uu ka tirsanyahy Al-Shabaab Qeybta Amniyaadka una qaabilsanaa bixinta xogaha Ciidanka Xooga Dalka, waxaana laga soo qabtay gudaha Wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya.

Waxa uu sheegtay darajada Gaashaanle Sare laakiin dowladdii Madaxweyne Farmaajo xilligii diiwaan gelinta Ciidamada ayaa loo helay xidig sax ah, waxaana cadaatay in inta kale uu iska saartay.

Caradii uu ka qaaday kedib waxa uu la xertay Al-Shabaab, sidda ay sheegeen xeer-ilaalin, waxaana hay’adaha barista Amniga iyo Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka Sida Ogaadeen "in Xidigle CabdiCasiis Xuseen Nuur Musral yahay sarkaal xogaha saraakiisha, ciidanka iyo farsamooyinka kale ee dugsiga la wadaago Alshabaab".

Maxkamadda ayaa ugu danbeyn maanta go’aan ka soo saartay Cabdicasiis Xuseen Nuur Mursal, waxa ayna ku xukuntay 15 sano oo xabsi ciidan ah, sida uu warbaahinta u sheegay Garsoore Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamada Qalabka Sida.

Habraacca Go’aan ka gaarista iyo dhamaystirka dacwad qaadistiisa ayaa soo socotay ilaa January 22-keedii Sanadkan. Xukunsanaha ayaa haysta fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.

GARSOOR + GO

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM