Senator Fartaag oo walaac ka muujiyay xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta Gedo

Image

DOOLOW, Soomaaliya - Senator Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee ka taagan gobolka Gedo, ka dib fatahaado xoogan oo uu sameeyay wabiga Jubba, taasi oo uga sii dartay dadka deegaanka xaaladda bani’aadantinimo.

Senator Fartaag ayaa carabka ku adkeeyay in xaalada El Nino ee la filayay ay ku dhufatay Gedo, isagoo hoosta ka xariiqay baahida degdega ah ee loo qabo in la caawiyo dadka dhibaateysan.

Waxa uuna si gaar ah u iftiimiyay dhibaatada ka jirta deegaanka Doolow oo ay daadad ku soo rogmadeen kana dhashay khasaare baaxad leh.

Senator-ka ayaa baaq u diray dowladda dhexe, maamulka Jubbaland iyo hay’adaha samafalka, isagoo ka codsaday inay si deg deg ah gargaar ula soo gaaraan dadka ay dhibaatadu soo gaartay.

“Xaaladdu waxay u baahan tahay in la qaado tallaabooyin degdeg ah si loo yareeyo dhibaatada oo gurmad loo sameeyo dadka ay saameyn ka soo gaartay.” ayuu yiri.

Soomaaliya ayaa waxaa ka taagan xaalad bini’aadantinimo oo aad u daran iyadoo roobab mahiigaan ah ay ka da’ayaan dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM