Shaakir oo dowladda ku eedeeyay "shirqool dil iyo afduubasho doorasho"

Image

DHUUSAMAREEB, Galmudug – Madaxa xukuumadda Galmudug, Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan, ayaa warqad lagu qoray luuqad adag kana dhan ah Dowladda Federaalka u diray Beesha Caalamka.

Sidda ku xusan warqadda, Sheekh Shaakir ayaa carabka ku adkeeyay in khilaafka xukuumadda iyo maamuladda dalka qaarkood uu salka ku hayo ismaandhaaf ka jira arrimo masiir ah sida siyaasadda iyo amniga.

Dhacdadii ciidamo ka tirsan dowladda ku rasaaseeyeen xafiiskiisa Dhuusamareeb ayuu ku qeexay "shirqool lagu dili lahaa" isaga oo ku eedeeyay dowladda, oo uu xusay "in aysan sharaxaad waafi ah ka bixin".

Falkaas ayaa waxaa ka dambeeyay ciidamo Soomaali ah oo ay tababartay Jamhuuriyadda Jabuuti, sidda ku cad warqada oo uu helay mareega Garowe Online.

"Dowladdu waxay faquuqeysaa ciidamadda Ahlu Sunna Waljameeca ee dagaalka adag la galay argagixisadda," ayuu qoray. "Tani waxay leedahay cawaaqib xummo iyo Al-Shabaab oo qabsata degaano horleh".

Doorashadda

Khilaafka dowladda iyo Ahlu Sunna ayaa meel adag maraya. Muranka ugu badan wuxuu ka taagan yahay magacaabida Guddiga Doorashooyinka. Labadda dhinac waxay soo dhiseen guddiyo is-diidan.

Sidda uu Shaakir ku qoray warqadda oo caalamka u diray, heshiiska ay kala saxiixdeen wuxuu dhigayey in ay soo wada dhisaan Guddi doorasho oo Wadajir ah, kaasoo coddeynta maamulaya.

Heshiiska ayaa sidoo kale xeerinayay in ciidamada dowlad goboleedka ay ilaaliyaan amniga magaalada iyo doorashadda. Taasi bedelkeeda, xukuumadda waxay ciidamo dheeri ah u daabushay Dhuusamareeb.

"Tani waxay u muuqataa weerar toos ah oo ka dhan ah Galmudug, isku lagu ciribtirayo Ahlu Sunna iyo isku day dowladda ku dooneyso in ay ku afduubato doorashadda," ayuu tibaaxay, isagoo digniin bixiyey.

Baaq

Askarta ay dowladdu geysay magaala madaxda Galmudug ayaa isugu jira cutubyo kamid ah AMISOM si lamid ah ciidamo Soomaali ah oo ay tababareen dowladaha Turkiga, Mareykanka iyo Jabuuti.

Sheekh Shaakir ayaa ku tartarsiiyay dowladda federaalka in ay ka baaqsato dhamaan arrimahaas una hogaansato Dastuurka federaalka iyo midka maamulka oo u oglaanaya in ay maamulaan doorashada.

Beesha Caalamka ayuu ku booriyey in ay soo farogeliyaan qadiyaddan ayna qaadaan "talaabo kasta oo lama maarmaan ah si looga fogaado wixii ka dhacay Baydhabo iyo Kismaayo," ayaa lagu yiri warqada.

Dowladda ayaa lagu eedeeyay in ay "maroor-satay" doorashadii Koonfur Galbeed. Balse waxay ku guuldareystay in ay farogeliso doorashadii Jubaland. Hataan waxay natiijo ka qoslisa ka sugeysaa Galmudug.

WARQADDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM