Shacab badan oo ka xun xariga Jeneraal Sheegow oo isugu soo baxay dibadbax

Image
SAWIR HORE

MUQDISHO, Soomaaliya - Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ka taagan xaalad kacsanaan ah, iyadoo boqolaal shacab ah ay isugu soo baxeen bannaanbaxyo ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan xarigga Jeneraal Sheegow.

Dibad-baxayaasha ayaa isugu soo baxay wadada muhiimka ah ee KM 4, waxayna taasi keentay in ay wadada xiraan, isla markaana ay hakad galayaan isu socodkii gawaarida.

Laamaha ammaanka oo arrinkaas ka jawaabaya waxay xaga cirka ku rideen rasaas aan si ay u kala eryaan dibadbaxayaasha, taasoo uga sii dartay xaalada markii horeba kacsanayd.

Jeneraal Sheegow ayaa ahaa nin caan ah oo magaalada Muqdisho si weyn looga yaqaan, ciidamada amaanka ayaana gacanta ku soo dhigay isaga oo ku eedeysan inoo xigsaday askar taabacsanaa oo dil geystey. Halka dadka ku dhow ay aaminsanyihiin xariga inoo salka ku haayo heyb sooc.

Baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa aad looga dareemayay muuqaalo laga soo qaaday mudaaharaadka, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay muujinayaan sida ay u taageersan yihiin dibadbaxayaasha.

Intii uu banaanbaxa socday, dibadbaxayaashu waxay dalbadeen in ay cadaaladda helaan, in la sii daayo Jeneraal Sheegow, iyo in baaritaan lagu sameeyo xariggiisa. Waxaana isa soo taraya baaqyada soo jeedinaya in wada hadal lala galo dibadbaxayaasha, iyadoo rajo laga qabo in xal nabadeed lagu gaaro.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo soo afjartay howlgalkeedii siyaasadeed ee Soomaaliya

Zenenga ayaa xusay in Soomaaliya ay horumar la taaban karo ka sameysay dhismaha hay’adaha dowladda, nidaamka federaalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 12:13PM

Aadan Madoobe oo Itoobiya kala hadlay amniga Baydhabo iyo ka hortagga weerarrada Lafta-gareen

Itoobiya ayaa ciidamo ku leh Soomaaliya, gaar ahaan deegaanno ka tirsan Koonfur Galbeed, iyadoo qayb ka ah dadaallada amniga ee dalka.

  • Soomaliya

    31-10-2026

  • 05:27AM