Shan xaqiiqo oo aad uga baahan tahay duufaanta kusoo fool leh Soomaaliya

Image

GAROWE, Puntland – Hay'addo caalami ah iyo dowladdo waaweyn ayaa ka digaya duufaan kusoo fool leh xeebaha Soomaaliya xili dalka ka daalaadhacayo fatahaadyo.

Khuburadda ayaa waxay rumeysan yihiin in roobabka dabaylaha wata ay si gaar ah ugu kusii jeedaan xeebaha maamulada deriska ah ee Puntland iyo Somaliland.

Roobabka ayaa markii hore ku wajahnaa xeebaha Carabta gaar ahaan waddanka Yemen, balse sidda ay sheegeen xeeldheereyaasha, waxay u soo wareegatay Bariga Afrika.

Mas'uuliyiinta ayaa shacabka gaar ahaan reer miyiga xeebaha degan ku booriyey feejinaan dheeraad ah iyo in ay isaga baxaan guud ahaan dhulka ku teedsan maanyadda.

Dowladda Puntland oo digniinta gaarsiisay shacabkeeda ayaa ka dhawaajisay in ay ka fekereyso joojinta safarka badda si loo yareeyo waxyeelada ka dhalan karta.

Urur goboleedka IGAD oo bayaan digniin ah soo saarey ayaa soo bandhigay shan xaqiiqo oo aad u baahan tahay in aad ka ogaato duufaankan khatarta badan.

War-saxaafadeedkan ururkan kasoo baxay ayaa lagu tartarsiiyay daneeyayaasha in ay kaalin muuqata ka qaataan la tacaalida mushkiladaha ka dhalan kara musiibadan.

Shanta xaqiiqo

Duufaanka oo lagu magacaabo KYARR ayaa la rajeynayaa in uu roobab dabalyo xoogan wata iyo biriqyo ka geysan doono xeebaha Puntland iyo Somaliland.

Duufaankan waa mid si qalafsan wax u burburiya. Kalluumeysata iyo dadka ka howlgala badaha waxaa lagula talinayaa in ay taxadar muujiyaan.

Tan iyo sanadkii 2006-dii, duufaankaan ayaa aad ugu xooganaa Bariga qaaradda Afrika, waxayna timaadaa xili roobaadyadda Deyrta.

Baqdinta laga qabo in roobabka dabaylaha wata ay sababaan daadadka waaweyn oo waxyeelo daran sababa ayaa ka jirta guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

Roobabka waaweyn ayaa la saaraadinayaa in ay si caadi ah u socon doonaa inta u dhaxeysa bilaha November illaa iyo December ee dabayaaqadda sanadkan 2019.

GAROWE ONLNE

Related Articles

Walaaca laga muujiyey hufnaanta heshiiska Shidaalka Soomaaliya iyo Turkiga

Turkiga ayaa sheegaya in 10 bilood gudahooda kusii saari doono shidaalka Soomaaliya, iyadoo laga qodoyo dhanka Galmudug state.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:56PM

Turkiga oo Markab Shidaal qodis keenay Xeebaha Soomaaliya xilli uu xiliga waqtiga dawladdu gaba-gabo yahay

Ma jiro weli heshiis loo dhan yahay oo laga gaaray hannaanka doorashada, taas oo dhalisay hubanti la’aan siyaasadeed.

  • Soomaliya

    10-04-2026

  • 07:29PM