Shaqsi Soomaali ah oo si arxan daran loogu dhaawacay Malta

Image

MARSA, Malta – Mas'uuliyiinta waddanka Malta ayaa xaqiijiyey in dabley ay Jimcadii nin dalka Soomaaliya u dhashay ku dhaawaceen xaafadda Marsa.

Booliska ayaa shaaca ka qaadey in kooxaha hubeysan ee falkan ka dambeeyay ay weerarka u adeegsadeen Toorey ama Mindi.

Shaqsiga Soomaaliga ah oo magaciisa aan lasoo bandhigin ayaa waxaa la sheegayaa in dhaawaciisa uu yahay mid aad u daran.

"Dhibanaha markii loo geysanayey dhaawaca wuxuu marayey wadada weyn ee St Joseph oo ka tirsan magaaladda Hamrun," ayuu yiri sarkaal sarre.

Kadib falkaas foosha xun, waxaa loola cararay Isbitaal, halkaas oo baxnaano caafimaad oo naf-badbaadin loogu sameynayo.

Ma cadda sababta ay kooxaha hubeysan u beegsadeen 24-sano jirkaan oo aan wali la fahfaahin qaabka uu ku joogay waddankaas dhaca qaaradda Yurub.

Dambiileyaasha arxanka daran ayaa la tilmaamayaa in ay goobta ka baxsadeen kahor inta aysan imaan laamaha ammaanka oo baaritaano sameeyay.

Malta oo kamid ah wadamada loo dalxiis tago ee qaaradda Yurub ayaa waxaa sidoo kale uu marin u yahay qaxootiga Afrikaanka ee galaya qaaradaas.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ruto: Mudo-xileedka Madaxweynaha iyo Baarlamanka Soomaaliya wuu dhammaaday

Madaxweyne Ruto ayaa markii u horreysay si furan uga hadlay dagaal dhowaan ka dhacay meel u dhow xuduudka Kenya.

  • Soomaliya

    14-05-2026

  • 09:06AM

Wada-hadalladii Xalane oo lagu kala kacay iyo Khilaaf hor leh oo ka dhashay Doorashada

Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka ayaa ilaa hadda si cad u diiday soo-jeedinta guddiyada farsamada.

  • Soomaliya

    13-05-2026

  • 12:30PM