Shariif Sh Axmed oo ka warbixiyey kulankii gudoonka Aqalka Hoose

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hogaamiyaha Madasha Xisbiyadda Qaran, ayaa ka warbixiyey kulankii ay la yeesheen afhayeenka Aqalka Hoose, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan.

Shariif Sheekh Axmed oo qoraal soo dhigay boggiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa shaaca ka qaadey hal qodob oo ay "ku heshiiyeen".

Kulankaan ayaa habeenimadii Isniinta ka dhacay hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Mursal, oo martiqaad u fidiyey madaxweyneyaashii 7aad iyo 8aad ee waddanka.

Xasan Sheekh Axmed oo kamid ah hogaamiyeyaasha Madasha Xisbiyadda Qaran iyo mas'uuliyiin kale ayaa kasoo muuqdey.

Hoos ka akhriso qoraalka Shariif

Wafdi ka socda madasha xisbiyada Qaran ayaa hoygiisa Muqdisho ku booqdey guddoomiyaha golaha shacabka Barlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sh Cabdiraxmaan.

Casho sharaf uu noo sameeyey kadib waxaan ka wada hadalnay marxaladda xasaasiga ah ee dalku uu marayo iyo sida la isaga kaashan karo guul laga gaaro.

Waxaan isla qaadannay in si dhow looga wada shaqeeyo ka gun gaarista horey loo sii wado dhisidda dowladnimada oo aan ugu dambeyntii isku waafaqnay in danta qaranka ay kujirto in si wadajir ah looga shaqeeyo arrinkaas.

Kulanka waxaa igu wehliyay Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud, iyo xubnaha kale ee Madasha Xisbiyada Qaran.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho ku tagey Wasaaradda Difaaca Soomaaliya

Madaxweynaha ayaa inta uu ku sugnaa Wasaaradda waxa uu kulan la qaatay Wasiirrada Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 06:02PM

Trump oo Koonfur Afrika ku eedeeyay tacaddiyo isagoo kor u haya sawir laga qaaday Congo

Trump oo hadal jeedinayay inta lagu guda jiray kulanka, wuxuu kor u qaaday warqado daabacan…

  • Soomaliya

    22-05-2025

  • 04:18AM