Sheekh Shariif iyo Waare oo ka digay Khilaafka Beelaha Hiraan iyo Sh/Dhexe

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxweynihii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Ergeyga Madaxweynaha u Qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada Maxamed Cabdi Waare, oo si wadajir ah ku qabtey Magaalda Muqdishu shirjaraa’id ayaa kaga hadlay khilaaf u dhaxeeya qabaa’il wada dega Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhaxe [Xawaadle iyo Abgaal].

Shariif Sheikh Axmed ayaa soo jeediyey baaq nabadeed; isaga oo ka codsaday beelahaas inay ilaaliyaan derisnimada, kana shaqeyaan sida khilaafka loo xalin lahaa.

Madaxweynihii hore ee dalka waxa uu warbaahinta u sheegay in uu la fariistey Madaxeynaha Dawladda Hirshabelle Cali Guudlaawe isaga oo kala hadlay marxaldda taagan Waxaana lagu guuleystey in guddi loo diro deegaanda ay xiisadda ka jirto.

“Waxaa la rabaa dhiiga oo bilaashka ku daadanayo inuu istaago. Hab nabadeed, hab dowladnimo iyo hab Maamul inuu ku istaago aa la rabaa. Soomaali intay is dileyso horumar ma gaareyso”. Ayuu yiri.

Dhinaca kale, Mudane Waare ayaa yiri “Hal cadow ayaan leenahay, Shabaab aa la yiraahdaa. Dhaqan, Waxbarsho, iyo Masaajid intaba way inoo diideen. Waa inaa la dagaalannaa, ee ma ahan inaan anaga isku dhiiranaano khilaaf yar oo na dhaxmaray awgiis”.

Isaga oo hadalkaas sii raaciyey in la dhexdhaxaadin doono beelaha walaalaha ah ay shiqaaqdu dhex marti.

Shirkan jaraa’d ayaa imaanaya kadib markii madax dhaqmeediyo kasoo jeeda qabaa’il dega Hirshabelle ay warbaahinadu isku dhaafsadeen fariimo colaadeed.

Xiisaddaan waxay imaanaysaa xilli dhawaanahan uu khilaaf siyaasadeed ka taagnaa Magaalada Beledweyne, kadib markii xilka laga qaaday Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan Cali Jeyte. Taasi oo ka keentey inoo ku dhawaaqo Maamul la yiraahda Hiiraan State.

Sanadkii hore ayay aheyd markii Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Maleeshiyo beeleed loogu magac daray (Macaawiisley) ay si wada jir ah u qaadeen howlgalo Al-Shabaab looga saaray deegaano badan oo ka tirsan Gobollada Hiiraan, Shabeelaha Dhexe iyo Galgaduud.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xubnaha Soomaaliya ee EALA oo si rasmi ah loo dhaariyey

Ugu dambeyn, safiirku wuxuu u mahadceliyay madaxda qaranka, gaar ahaan Madaxweynaha Hassan Sheikh Mohamud.

  • Soomaliya

    16-03-2026

  • 10:50AM

Ciidamo mucaarad ku ah Lafta-Gareen oo la wareegay Qansaxdheere 

Xaaladda Qansaxdheere ayaa weli ah mid kacsan, waxaana jira cabsi xooggan oo ay dadka rayidka ah ka qabaan in markale uu dagaalku dib u qarxo.

  • Soomaliya

    14-03-2026

  • 02:11PM