Shiinaha: Soomaaliya waxay noo tahay saaxiib istaraatiiji ah

Image
Image
Image
Ra'iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, FEI Shengchao.

Xamse iyo Shengchao ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka faca-weyn ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Shiinaha ee dhinacyada siyaasadda, iskaashiga, amniga, horumarinta dhaqaalaha iyo arrimaha bini'aadanamida.

Wasiirka koowaad ee Soomaaliya ayaa uga mahadceliyey Dowladda Shiinaha taageerada ay mar walba la garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Dhankiisa, safiirka ayaa xusay in Soomaaliya ay Shiinaha u tahay saaxiib istaraatiiji ah, kana go’an tahay sii wadidda taageerada ay u hayaan dowlad-dhiska Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leeyihiin.

Kulankan ayaa waxa uu kusoo hagaagayaa xilli ay taagan tahay xiisad salka ku haysa qadiyadda Taiwan ee Mareykanka iyo Shiinaha ayna Soomaaliya horey u caddeysay taageerida siyaasada "Hal China".

Siyaasadda "Hal China" ayaa macnaheedu yahay in aysan wax la yiraahdo Taiwan oo Shiinaha ay u aragto gobol ka tirsan Jamhuuriyadda Shiinaha xilli ay dalal uu Mareykanka ku jiro u arkaa waddan.

Shiinaha ayaa dhoolatus ciidan sameeyay kadib markii dhowaan uu Mareykanka qaabilay hogaamiyaha Taiwan oo ah gacan laga cabsi qabo in uu kamid noqdo arrimaha horseedan dagaal culus.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya : Ka bixitaanka Itoobiya ee Buurhakaba oo tijaabo ku ah Ciidamada Soomaaliya

Qayb ka mid ah xogta iyo qiimeynta warbixintan waxaa laga soo qaatay falanqayn…

  • Soomaliya

    19-08-2026

  • 02:39PM

Hantidhowrka Guud oo beeniyay warbixin la xiriirtay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Qaranka ayaa warbixin uu soo saaray dhawaan ku eedeeyay qaar kamid ah xafiisyada dowladda musuq-maasuq.

  • Soomaliya

    18-08-2026

  • 08:15PM