Shil Khasaaro gaystay oo ka dhacay Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Shil gaari oo gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa maanta oo Isniin ah ka dhacay gudaha magaalada Muqdishu, ee caasumadda dalka Somalia.

Shilka ayaa ka dhacay Wadada 21-ka October ee degmada Waaberi, kadib markii ay isku dhaceen Gaari nooca xamuulka qaada ah iyo NOAH, ay la socdeen dad shacab ah, sida Goob jooje uu u sheegay Garowe Online.

Goob joogaha ayaa xaqiijiyay Labo ruux, oo kamid ahaa dadkii saarnaa Gaariga NOAH-da ayaa ku geeriyoodeen isku dhaca baabuurtaas, iyadoo ay saddex kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo loola cararay Isbitaal goobta ka dhawaa.

Ciidamo katirsan kuwa waddooyinka dowladda Somalia ayaa xiray wadadaas shilka kadib, waxaana goobta ay ka jiideen labada gaari ee isku dhacday.

Shilalka noocan ah ayaa kusoo badanaya mudooyinkii dambe wadooyinka magaalada Muqdishu, waxaana loo sababeeyay gaadiidka oo aad u batay iyo waddooyinka oo qaybtood xiran.

GAROWEONLINE

Related Articles

Go’aanka Mareykanka oo saameyn ku yeeshay howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya

Howlgalka ayaa si weyn ugu tiirsan taageerada UN-ka si loo bixiyo adeegyada saadka, caafimaadka iyo gaadiidka ciidamada.

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 01:51PM

Soomaaliya: Xasan Sheekh oo loogu baaqey inuu xilka ka dego

War-saxaafadeedka ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah inay ilaaliyaan dastuurka.

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 10:22AM