Shir looga hadlayo dib u eegista Dastuurka oo ka furmay Muqdishu [Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Shir looga hadlayo dib u eegista Dastuurka Somalia ayaa ka furmay magaalada Muqdishu, kaasi oo ay soo qaban-qaabisay Wasaarada Dastuurka dowladda Federaalka Somalia.

Shirka waxaa ka qeyb galay, Guddoomiyaha Barlamanka, Ra'iisal Wasaare ku xigeenka, Wasiirka Dastuurka, Wasiirka Arrimaha Gudaha Dowladda Federaalka iyo Wasiirrada Dastuurka maamul goboleedyadda Somalia.

Wasiirka dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo Shirka Furay ayaa sheegay in Kulanka Ujeedkiisu yahay in dowladda dhexe ay aruuriso aragtiyadda Maamullada ee ku aadan dib u eegista dastuurka.

Ra'iisal Wasaare ku xigeenka dowladda Somalia Mahdi Maxamed Guuleed iyo mas'uuliyiin kale oo kamid ah dowladda, ayaa ka qeyb-galaya Shirkaasi oo socon doono mudo saddex maalmood ah ayaa barnaamijkan soo dhaweeyay.

Wasaaradda Dastuurka Somalia, ayaa wadda dadaallo dib loogu eegayo dastuurka oo la filayo in wax laga bedelo, kadibna lagu meel mariyo afti dadweyne kahor doorashada sanadka 2021.

GAROWEONLINE

Related Articles

Nin Soomaali ah oo weerar mindi ku qaaday laba nin oo Yuhuud ah London

Warbaahinta BBC ayaa sheegtay in ninka la hayo uu yahay Essa Suleiman, 45 jir, oo degan koonfur-bari London.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 02:26PM

Carruurta Soomaaliya oo halis wajahaya sababo la xiriira dagaalka Iran iyo Mareykanka

Hay’adda International Rescue Committee (IRC) ayaa sheegtay in 225 kartoon oo cunto laws ah oo haray xarun ay taageerto.

  • Soomaliya

    30-04-2026

  • 12:06PM