Shir u bilowday madaxwayne Xasan Sheekh iyo mucaaradka

Image
Shirkan ayaa la filayaa in looga hadlo go’aanadii bishii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran oo ku saabsan hannaanka doorashadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmaya shir u dhaxeeya madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxdii hore ee dalka oo isugu jira madaxwayneyaal hore, ra'iisul wasaareyaal hore iyo siyaasiyiin kale.

Waxaa hadda shir uga socdaa hoyga Madaxweynihii hore Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed iyo Siyaasiyiin ay ka mid yihiin Ra’iisul Wasaarayaashii hore Xasan Kheyre, Cumar C/rashiid, C/weli Gaas, Xildhibaan C/qaadir Cosoble iyo Wasiirkii hore Waxbarashada Dr. Cabdinur

Shirkan ayaa la filayaa in looga hadlo go’aanadii bishii May ay soo saareen Golaha Wadatashiga Qaran oo ku saabsan hannaanka doorashadda.

Siyaasiyiintan ka qeybgalaysa shirkan oo dhalay badankood soo gaaray Muqdisho ayaa horay uga soo horjeestay heshiiskii Madasha Wadatashiga Qaran.

Balse waxay markii dambe ajiibeen martiqaad uu u fidiyay Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqda mid durba bilaabay inuu xilli hore furay saaxada siyaasadda iyo albaabada wada tashiga arrimaha masiiriga u ah dalka.

Natiijadda kasoo baxda kulankan ayaa jaangoyn doonta qaabka uu u ekaan doono muuqaalka siyaasadda waddanka iyo jihada uu qaadan doono. Maxsuulka shirkan ayaa sidoo kale waxa uu saameyn doonaa dagaalka Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM

Baaritaan: Khasaaraha Shacabka duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya oo kordhay

Yemen ayaa lagu diiwaangeliyey 991 qof, halka Ciraaq ay gaartay 793 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallada la baaray.

  • Soomaliya

    03-10-2026

  • 05:31AM